Wararka aan ka helayno xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya kulan
ay yeesheen labada qaybood ee kala ah Hanqadh iyo Duufaan oo kamid ah
qaybaha CWXO. 

Kulankan ay labada qaybood yeesheen ayaa socday 16-19
kii bishan May 2015 waxayna kugorfeeyeen Habsami usocodka Halganka iyo
isgaashiga labada qaybood oo ka howlgala dhul xuduud dheer leh iyo
siday ugatashan lahaayeen tabaha guracan ee uu cadawgu kuhowl galo,waxayna jeexeen shaxdii ay kuhowlgali lahaayeen iyo qorshayaashii ay
kaga hortagi lahaayeen falalka cadawgu uu maleegayo shacabkana
udifaaci lahaayeen.
Kulankan oo socday mudo 4 bari ah ayaa kusoo dhamaaday Guul
waxaana kasoobaxay qodobo muhiim ah oo wax badan kaqabandoona
qorshayaasha halgan ee socda.

Xarunta Dhexe/Ogadenya
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay