Shir ay soo abaabuleen Diaspora Network ayaa lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway. Kullankan oo ay kasoo qaybgaleen hawl-wadeenka jaaliyada ayaa waxaa lagaga wada hadlay arimaha quseeya hawlaha jaaliyada ee Norway, halkaasoo la-wadagay aragtiyo iyo talooyin khuseeya  guud ahaan jaaliyadaha Norway.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomalida Ogadeniya ee Norway Mudane: Khalif Abdi ali wuxuu ayaa warbixino muhiim ah la wadagay marti sharaftii kale ee shirka timid.

Isu imaadkan waxaa kaloo lagu falan qeeyay sidii ay isu kaashan lahayeen ururada bulshada ee ka dhisan wadanka Norway , Gaar ahaan Oslo.  Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya  ee Norway ayaa sida caadada u ah ka qayb gasha kulamada  noocan oo kale ah si ay ula wadaagto bulshooyinka kale fikir iyo talooyin khuseeya horumarinta mujtamaca  guud ahaan.

image4Shirka oo ahaa mid wax ku ool ah, ayaa waxaan  rajaynaynaa in lasii joogteeyo xidhiidhada noocan oo kale ah hadii Alle Idmo.

image6 image3 image2 image1 image5

Warfaafinta Jaaliyada Oslo/Norway

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay