Shirwaynihii Jaaliyada Afrikada  Bari ee Soomaalida Ogadenia(JABSO)  oo mudo labo  maal mood ah ka socday  Caasimada  Wadanka  Kenya gaarahaan Nairobi oo  Maanta  guul ku soo dhamaaday.
jabsoShirkaas ooy ka soo Qeybgaleen  Wakiilo  u matalayay  Faracyada  ay ka  kooban tahay Jaaliyada  Afrikada bari  ee Soomaalida Ogadenia ayaa  waxaa   lagu  gorfeeyay  intii  uu socday  Arimo dhowr ooy kamid ahaayeen, Qorshe yaal ay kamid ahaayeen.

Abaabulka,Dhaqaalaha,Amaanka  iyo  Xaaladaha   qaxootiga Cusub ee ka imaanayahaya  Ogadenia  soona  galaya  Wadanka  Kenya, waxaana  Dooda dhaadheer ka dib  laysala meeldhigay laguna  Dajiyay  Qorshayaal  Dhaxal gal  ah,  waxbadana  ka badalidoono  Qaab  shaqeedkii jaaliyada  Ogadenia  ee wadanka Kenya.

Gabo gabadii  Shir Waynaha   (JABSO) ayaa  waxaa laga soo saaray  Qodobo dhowr ah ooy kamid ahaayeen

Baaq.

 ku socda dhaman dadwaynaha Ogadeania ee kukala nool Dunida daafaheeda inay Laba  Jabaaraan Howlaha Halganka Gobanimadoonka  ah ay Hormoodka  u tahay Jabhada  Wadaniag  Xoreynta Ogadenia(jwxo) lana yibmaadaan dadaal dhamaystiran oo ay kaga hortagayaan  Gumaysiga iyo Gumeysiga  kal kaalka.

 Canbaareyn.

Shir waynaha (JABSO) waxaa  lagu  canbaareeyay Gumaadka ay Ciidamada gumysigu ka wadaan Dhulka Somalida Ogadenia gaar ahaan Xasuuqii  ugu danbeeyay  ee ka dhacay  Deegaanka  laba baar oo ka tirsan Gobalka Qorahay.

Bogaadin.

Shir Weynaha (JABSO) waxay sidoo kale bogaadinaysaa shirkii Gudiga fulinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ugu soo dhamaaday Cariga Ingiriiska Isbuucii la soo dhaafay  iyo Go.aamadii  Laga  Soo saaray.

Xafiiska  Jabso-Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay