Wararkaan kahelayno wadanka Ogadenya ayaa sheegaya in tuulada Laba-baar oo kadirsan Degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay uu dagaal lagu hoobtay kudhexmaray shacabka tuulada Laba-baar iyo ciidanka maxaysatada Gumaysiga Itoobiya.

Dagaalkan oo dhawr bari kasocda duleedka magaalada Shilaabo ayeey ciidamada Gumaysiga Itoobiya kuxasuuqeen dad rayad ah oon waxba galabsanin kadib markay duulaan dulmi ah kuqaadeen maxaysatada Hawaarinta layiyaadhdo ee Wayaanaha dhidid-dhawrka u ah kuwaasoo doonayay ineey shacabka tuulada laba-baar Gibir ama Canshuur xoolaha nool ah oon sharci ahayn kaga qaadaan shacabka taasoo keentay in shacabkii tuulada daganaa ay iska caabiyaan dagaalna kala hortagaan boobka iyo dulmiga eey ciidamada Gumaysigu layimaadeen.

Sida ay wararka nasoo gaadhaya sheegayaan wuxuu dagaalkan gaystay khasaare laxaadleh. Dagaalkan oo markii dambe kufiday dhul balaadhan oo katirsan Degmada Shilaabo gaar ahaan meesha layidhaahdo Xaadh-Xaadh iyo Xindhowreed oo xaga bidix kaga beegan tuulada Laba-baad  oo ah dhul jiq ah oo geedo badan xooluhuna daaqaan ayaa lagu xasuuqay shacab aad utiro badan ooysan wali noosuurtagalin inaan hello tirada dhabta ah ee ciidamada maxaysata Gumaysiga Itoobiya ku gumaadeen.

Dhanka kale waxay wararka nasoo gaadhaya sheegayaan in khasaare xoog leh kasoo gaadheen ciimada gumaysiga Itoobiya ee weerarka kuqaaday tuulada Laba-baar. Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay ineey kor udhaaftay 30 askari meesha dhaawicii kasoo gaadhay dagaalkan aan tiro dhab ah laga haynin balse naloogu sheegay ineey 50 kor udhaafeen kuwaasoo qaarkood kudhinteen magaalada Qabri-dahare ee xarunta gobolka Qoraxay.

Xasuuqa iyo gumaadka noocan oo kale ah yaan kucusbayn shacabka Somalida Ogadenya ee gumaysi diidka ah. Waxay sidan oo kale gumaad ba’an kagaysteen maxaysata Hawaarinta ee Wayaanaha dhaaraanka u ah meelo badan oo wadanka Ogadenya kamid ah. Shacabka Somalida Ogadenya ayaa wacad kumaray ineeysan marnaba wax kastoo gumaysigu sameeyo kabadalaynin rabiyaanka aayo katalinta Somalida Ogadenya.

Waxaan wararkaanaga dambe idiinku soo gudbin doonaa haduu Allaha awooda lihi karaali noqdo faah faahinta dagaalkan kasocda duleedka magaalada Shilaabo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay