(ONA) Wararka naga soogaadhaya Itoobiya ayaa tibaaxaya in ay gaashaanka kudhufteen qaar kamid ah axsaabta mucaarad Itoobiya oogu waawayn sida xisbiga Blue Paty iyo xisbiga layidhaahdo Madrak natiijadii kasoo baxday doorasho kusheegtii kadhacday todobaadkii hore dalka Itoobiya.

Waxaa kaloo ay wararku intaas kudarayaan in meelo badan oo wadanka kamid ah lagu xasuuqay qaar kamid ah taageero yaasha axsaabta mucaarad ah kadib markay diideen ineey ka qayb qaataan doorasho kusheegtii ay soo dhoob dhoobeen kooxda EPRDF/TPLF. Meelaha lasheegay in dad rayad ah lagu laayay waxaa kamid ah degmada Xamara oo kutaalada koonfurta Itoobiya sida ay wararku sheegayaan.

Afhayeenka xisbiga Blue Party Yonatan Tesfaye oo saxaafada lahadlay wuxuu sheegay ineeysan Itoobiya kajirin nidaam cadaalad kudhisan oo aqbali kara ineey doorashada si madax baan oogu tartami karaan asxaab kala gadisan. Sidoo kale wuxuu sheegay Yonatan Tesfaye in kudhawaad 200 oo kamid ah taageero yaashooda loodiiday ineey codkooda dhiibtaan meesha 52 xubnood oo xisbigiisa kamid ah jeelka lootaxaabay.

Dhanka kale wadanka Ogadenya ayaa laga soo sheegayaa in tacadiyo iyo xadgudubyo aan lasoo koobi Karin lagula kacay bulshada rayadka ah ee Ogadenya kudhaqan. Waxay wararku sheegayaan in tuulooyinka qaar shacabkii daganaa qasab kucodeeya lagu yidhi taasoo cadayn u ah cadaadiska iyo cabudhinta uu shacabka Somalida Ogadenya kujiro.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay