Wararka nagasoo gaadhaya Xarunta dhexe ee ONLF ayaa faah faahin kabixisay dagaalada maalinkii lixaad ka socoda deegaano kamid ah gobolka Qoraxay gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Shilaabo.

Dagaalkan oo udhexeeya maleeshiyaadka Liyuu Police-ka  oo garabsanaya Ciidamada gumayisga Ethiopia iyo dadka shacabka ah ee dagan deegaanada dhaca xuduuda gobolka Qoraxay uu la wadaaago dalka Soomaaliya ayaa sababay khasaare xoogan.

Ciidamadan huwanta ah oo jab xoogan uu kasoo gaadhay dagaalada maalinkii lixaad galay ayaa waxaa maleeshiyaadka Liyuu Policeka lagaga dilay saraakiil kusheeg kamid ahaa kuwa xasuuqa ba’an ka gaystay Ogaadeeniya

Horjoogayaasha maleeshiyada Hawaarinta ee lagu laayey dagaaladaasi ayaa waxaan magacyadooda helnay qaarkid ah waxayna kala yihiin kuwan

  • Kornayl Bashiir Aadan (Bashiir Afdheere) Ninkan ayaa xasuuq ba’an ka gaystay magaalada Gunagado labadii sanado ee lasoo dhaafya halkaasi oo lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
  • Shiihalaqe
  • Shaambal Santuur qorane.
  • Shiihalaqe Ina Aadan Cali.
  • Shiihalaqe Cali-yare waa ninkii masuulka uga ahaa gumaysiga maleeshiyaadka ay ka samaysteen Degmada Dhagaxmadow iyo deegaanada ku hareeraysan.
  • Shiihalaqe Dhuubooy waa ninkii haystay maleeshiyaadka Hawaarinta ee dagmada Dhagaxbuur ee deegaanada ku dhawdhaw.
  • Shiihalaqe Cabdulaahi Xaaji.
  • Shiihalaqe Cabdi-gaab waa ninkii haystay maaleshiyaadka Tuulooyinka Huuraale,Sasabane iyo Bakka.
  • Shaambal Laydh Cabdi Maxamed .
  • Shiihalaqe Maxamuud Siyaad Mursal.
  • Shiihalaqe Maxamuud Axmed Dhagay .
  • Shiihalaqe Faarax-deeq .
  • Shiihalaqe Dhibaaye Cali Barre.
  • Shiihalaqe Xasan-boosaaso Maxmed Barre .
  • Shiihalaqe Shaafi Cabdulaahi Caydiid Ninkan ayaa ah dhaawac aad u xun waxaana loo qaadya isbitaalka ku yaal magaalada Adis Ababa.
  • Shiihalaqe Namhaani Maxmed Cabdi Ninkaan ayaa isaguna ah dhaawac meelo badan ka jajaban.

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay