Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee dalka Norway ayaa maanta (02.06.2015) ka qaybgashay shir muhiim ah oo lagaga hadlayay arimo khuseeya hay’adaha aan dawiga ahayn ee Norway ka dhisan. Shirkan waxaa soo qaban qaabiyay  Frivillig Norge ( ururada aan dawliga ahayn) shirkan waxaa hormuud ka ahaa labada masuul ee kala ah  BIRGITTE BREKKE IYO LISE. Waxayna ugu horayn ka hadleen muhiimada ay leedahay in la is kaashado si mujtamaca Norway isuku xidhmo.

image1

Shirkan waxaa jaaliyada Soomalida Ogadeniya ee dalka Norway umatalayay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane: KHALIF ABDI ALI. Ugu horayn shirku wuxu ku bilaabmay isbarasho iyo soo dhawyn. Waxaana la gudo galay in urur kasta war bixin kooban soo jeediyo kuna saabsan ururka uu matalayo.. Mudane: Khalif wuxuu si kooban usoo gudbiyay war bixin ka hadlaysa jaaliyada Somalida Ogadenya iyo waxqabadkeeda ilaa  hada heerka ay marayso aadna waa loo soo dhaweeyay. Gudigii shirka qaban qaabiyayna aad ayuu usoo dhaweeyay .

image2

Jaaliyadu waxay soo baratay ururo badan oo hada kadib wada shaqayn buuxda ay dhex mari doonto haduu ilaahay yiraahdo. Wadanka Norway ururada aan dawliga ahayn waxay halbawle uyihiin dhamaan  dhaqdhaqaqyada shacabka meelkastooy joogaanba. Waana wadada kaliyah ee bulshooyinka kala duwan qadiyadeena lagu gaadhsiin karo. Jaaliyaduna waxay garawsatay inay joogtayso kulamada noocan  oo kale ah si’eey ugaadho ahmiyada ay u tagan tahay. Gabagabadii waxaa lagu balamay in shirar kale la isugu yimaado  hanadkan dhexdiisa hadii alle idmo..

image7

image6

image3

image5

 

 

 

Warfaafinta Jaaliyada Norway

ONA/Oslo

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay