Warar aan ka helanay xarunta Dhexe ee JWXO ayaa nasoo gaadhsiisay magacyada qaar kamid ah saraakiisha Hawaarinta ee ku bakhtiday dagaalka xaduuda. Hawaarintan bakhtiyay waxaa kamida damiir laawayaashi geystay Xasuuqi Qoriile, Xasuuqi Gunagado iyo xasuuqyo badan oo ka dhacay dhulka Ogaden. Waxayna kalayihiin kuwan;

1 kornayl dheeg cabdi shiil oo udhashay Ninkaas oo Hada ka hor Xasuuq ka geystay dagmada Garbo
2 kornayl Kilimbi oo ahaa ninkii kalagaabiyay shacabka Deegaanka Doollo
3 shaalaqe ibraahin yare oo u dilal badan ka geystay gobolka Doollo
4 shaalaqe Qudhac maxamad yuusuf camay oo kamida raggii Xasuuqa ka geystay Gobolka Qabridahare
5 shaalaqe suldaan cabdulaahi cali
6 abshir cali xirsi
7 shaalaqe ina nuur shariif oo ahaa nin aad u xun oo Gobolka Qabridahare aad looga xasuusto dhibaatadi uu u geystay shacabka
8 shaambal cabdi aadan waris ( iskudhoonlay ) Danbiilihii weynaa ee Liyuu poliska
9 shaambal ibraahin
10 shaambal qorane
11 shaambal shugri maxamad inshaar
12 cabdulaahi cabdiraxmaan shugri
13 shaambal ina aadan waris Danbiilihii weynaa ee Liyuu Poliska

Liyuu Poliska xasuuq uun ma geystaan balse sidoo kale waxay xaalufin ku sameeyaan deegaanka iyaga oo jara dhirta deegaanka si xooluhu u daaqin. sawirkan hoose waxa uu kamid yahay sawiro lagu xaalufinayo deegaanka. Taliska Woyaanaha ayaa sheega in goobaha dhirta laga jaray laga sameynayo wadooyin midaas oo been ah. Warar gudaha Ogadeniya laga helay waxaa la xaqiijiyay in deegaamo aad u badan dhirtii laga gubay banaan saxare ahna laga yeelay.

liyu polis

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay