onla2Ciidanka JWXO wuxuu xiligan ku jiraa diyar garow loogu talagalay in marxalad cusub uu halgankan uga gudbo, ka dib markii lagu guulaystay qorshayaashii horey loo dajiyay. Waxaa kaloo hubaal ah in baraaruga Shacabka Ogaadeeenya uu kor u kacay sidaa daraadeed waxaa la-diyaariyay Qorshahan;

  • Wacyigalinta shacabka
  • Qorshe hawleedka ciidanka sida Tababarada iyo kobcinta Garaadka.
  • Dajinta Tabaha cusub ee dagaalka
  • Kafeejignaanta Shirqoolada Cadowga.

Doorasho-kusheegta itoobiya
Xarunta Dhexe ee JWXO waxay indhaha ku haysay sida ay u socoto doorasha ku sheegta xukuumada wayaanaha. Hadaba si xog dhab ah looga siiyo dadka aan ka warhaynin doorasho ku sheegtan ayaa xaruntu waxay u iftiiminaysaa waxay ku salaysnayd doorashadu;

  • Waxay ahayd riwaayad  shacabka iyo beesha caalmaka lagu marin habaabinayo mana jirin dad u tartamayay doorashadan oo ay codka kala siinayeen taageerayaashoodu
  • Waxay ahayd mid lagu qasbahayo shacabka iyadoo farta loogu fiiqayo
    shiraac madaw oo duuduuban
  • Xarunta dhexe ee JWXO iyo shacabka ogadenya uma aqoonsana inay
    doorasho ka dhacday ogadenya
  • waxaa iyaguna diiday ururda mucaaradka ku ah itoobiyaDagaalka ka socda Gobolka Qorahay

Wuxuu dagaal ka bilowday 26-5-2015 Tuulooyinka kala ah Lababaar, Toosna-dheer, Balli-dhiig, Isma-dhaqa, saaxo, Qaydar, Qoodha-weyne iyo dhul balaadhan oo baadiye ah wuxuuna ka tirsan yahay Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay ee dhulka Ogaadeenya. Dagaaladaa wuxuu u dhaxeeyaa Maleeshiyada Hawaarinta oo madiidin u ah xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo shacabka deegaanka. Dagaalkani wuxuu  gaystay khasaare balaadhaan oo naf iyo maalba leh iyo barakac baahsan. Malayshiyada hawaarinta waxaa  loogu tala galay inay Gumaadaan shacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba. Horay waxay u xasuuqeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhamaan dalka Ogadenya. Malayshiyadan waxaa kaloo loogu talagalay inay dhumiyaan diinta iyo dhaqanka Soomaliyeed ee suuban iyo inay dhalan rogaan Afka iyo hidaha Somaliyeed iyagoo beeraya dhaqamada xunxun ee ay Itoobiya u soo dhiibtay. Dhanka kale waxaa lagu hawlgaliyay inay abuuraan colaad sokeeye suu
isagu mashquuliyo shacabka kana jeediyo fikirka gobanimodoonka iyo xoraynta dalka.

Soojeedin:

Waxay xaruntu u soo jeedinaysaa dhalin yarada maskaxda laga khalday inay ka waan toobaan falalka xunxun ee diinta islaamka iyo dhaqanka suuban kasoo horjeeda ee maleesiyada lagu magacaabo liyuu booliska ama Hawaarinta ay fulinayaan, isuna soo dhiibaan Ciidanka Xaq u dirirka JWXO, iyadoo la siinayo inay nabad-galiyo oogu noolaadan dalkooda.

Bogaadin:

Waxaan bogadin u soo jeedinaynaa shcabka Ogaadeenka ee diiday Heeryada Gumaysiga una taagan inay dalkooda ka xoreeyaan Gumaysiga Itobiya.

Midnimu mintidnim Isku-tashi Guul Allaahu Akbar
Xarunta dhexe ee Jwxo

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay