Waxaa maanta magaalada Addiss Ababa ee caasimada Itoobiya ka qarxay dab aad u wayn. Sida ay wararku sheegayaan dabkan ayaa qabsaday xaafada layidhaahdo Shera Sefer oo katirsan degmada Merkato oo can ku ah ganacsiga isla markaana uu kuyaalo suuqa way nee layidhaahdo Merkato. Dabkan ayaa khasaare laxaad leh gaystay taasoon wali lahaynin faah faahinta xogta dhabta ah ee dabkani uu kadhashay.

addis1

Dhanka kale shacabka kudhaqan magaalada addiss ababa ayaa isla dhexmaraya in dabkan galabta qabsatay xaafada Shera Sefer ay kadambeeyeen kuna lug leeyihiin qawlaysatada EPRDF/TPLF kuwaasoo doonaya ineey kuwiiqaan kuna dhibaateeyaan  bulshada rayadka ah ee kunool magaalada addiss ababa oo markoodii horaba larafaadsanaa boobka iyo dhibaatooyinka kala gadisan eey Wayaanuhu kuhayaan.

addis2

Xaafadan dabku qabsaday ayaa caan ku ahayd ganacsi waawayn ooy kuleeyihiin kooxda wayaanaha kuwaasoo doonaya ineey hantida shacabka ay kaboobeen kaga dhistaan meherado casriga ah. Dabkan galabta qabsaday magaalada Addiss Ababa ayaa galaafan doona kumanaan shacab ah oo siyaabo kala gadisan ooga xoogsan jirin suuqa caanka ah ee merkato.

addis3

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay