Wararka naga soo gaadhaya xuduuda udhaxaysa Gobolka Gambella & Kililka Konfurta Itoobiya ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay warqad digniin ah uqoreen xabsi kuyaala magaalada Tepi warqadaas ooy u sheegeen maamulayaasha xabsiga ineey soo weerari donaan.

Wakhtigii ay u sheegeen ineey soo weerarayaan xabsigaas ay kooxo hubaysani soo weerareen halkaasoo ay ku dileen laba xidigle & 3 askari oo habeenkaas gaadhka ama waardiga ku qorraa isla markaana ay  daldasheen dhamaan hubkii xabsigaas yaalay. Warku wuxuu intaas kudaray ineey xabsigaas kasii dayeen 100 ilaa 150 maxbuus oo kasoo horjeeday xukuumada TPLF oo si cadaalad darro ah xabsigaas oogu xidhnaa.

Kooxo hubaysan ayaa 9-kii bilood ee lasoo dhaafay waxay  weeraro  laxaad leh u gaýsanayeen fadhiisimada ama goobaha ay daganyihiin ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala gobolka Ganbella. Weerarkan ay kooxda hubaysani xabsigaas kuqaadeen ayaa waxaa aad oogu farxay shacbiga dagan magaaladaas Tepi.

Itoobiya ayaa waxaa baryahan dambe kusoo badanaya jabhadaha hubaysan kadib markay shucuubta Itoobiya ay kasamreen in lahelo cadaalad , sinaan & demuqraadiyad iyo dhamaan waxay xaqa ulahaayeen oo idil.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay