Munaasabad balaadhan oo si heer sare ah loosoo agaasimay taasi oo lagu soo dhawaynayey masuuliyiintii ONLF ee laga afduubay magaalada Nairobi 26 /01/ 2014 kuwaasi oo xoriyadooda dib u helay 31 May 2015 kadib dagaalo diblamaasiyadeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi.

Boqolaal ruux oo qiiraysan oo ka kala yimid magaalooyinka dalka kenya iyo qurbaha ayaa kasoo qayb galay munaasabada oo ay soo agaasimeen jaaliyada Ogaadeeniya ee magaalada Nairobi.

Goobta shirka ayaa halmar is badashay waxaana isqabsaday sawaxan iyo mashxarad kadib markii ay soo galeen masuuliyiintii ONLF Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Axmed Xuseen oo ahaa labdii dhibane ee illaahay kasoo daayey gacanta cadowga.

Hadalo kooban oo ubadnaa mahadcelin iyo xog ayaa waxaa goobta kasoo jeediyey Mudane Sulub iyo Mudane Cali dheere waxayna hadalkooda oo koobnaa kusoo gabagabeeyeen in guud ahaan shacabka Ogaadeeniya laban laabo dadaalka ay ugu jiraan xoriyadooda.

Masuuliyiintii kale ee munaasabada ka haddashay ayaa waxaa kamid ahaa xidhiidhiyaha bariga africa ee ONLF Mudane Muxumed Ibraahin,Canab Muuse oo kamid ah masuuliyiinta Ururka Hooyinka,Xidhiidhiyaha OYSU ee bariga Afrika  Nuur Maxmaed iyo xildhibaan Cabdulaahi Maxamed oo kamid ah golaha dhexe ee ONLF.

8 7 15116 5 4 10 2 1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay