Wararka naga soo gaadhaya degmada Dharash oo katirsan Kililka Koonfureed ee Itoobiya ayaa sheegaya in jeelka lootaxaabay 15 xubnood oo katirsan xisbiga layidhaahdo The Blue Party ee mucaaradka ku ah maamulka ay kooxda TPLF tu ku amar kutaagleeyaan.

Masuuliinta xisbiga Bule Party ee la xidh xidhay ayaa waxaa kamid ah murashixii xisbiga ee degmada Dharash. Falgalkan ay Itoobiya jeelka oogu taxaabtay xubnahan ayaa sabab looga dhigayaa kadib markay kooxda EPRDF/TPLF maroorsatay cododii doorasho kusheegtii bishii horey laqabtay taasoo ay axsaabta mucaarad ah oo idil gaashaanka kudhufteen natiijo kusheegtii kasoo baxay iyo sida aan gabaadka lahayn ee Wayaanuhu ay oogu shubteen codadkii doorashadoo idil.

Xadhiga loo gaystay xubnaha xisbiga The Blue Party katirsan ee Koonfurta Itoobiya ayaan kaligood ku ekayn. Waxaa meelo badan oo wadanka kamid ah sidan oo kale jeelasha lootaxaabay dhamaan aqoon yahankii, siyaasiyiin caan ah iyo waliba xubno kamid ah hormuudka axsaabta mucaarad ah.

Beesha caalamka ayaa kadayrisay aadna udhaliishay nidaamkii foosha xumaa ee maamulka Addiss Ababa kataliya ay ku maroorsadeen natiijadii doorashada. Inta la’ogyahay waxaa goob joogeyaal doorashada usoo dirsaday wadanka Itoobiya Midawga Africa oo kaliya meesha aysan qof kaliya usoo dirsanin wadamada reer galbeedka oo idil taasoo daliil u ah sharci darrada iyo fawdada ay kooxda EPRDF/TPLF kujirto iyo xaalada qalafsan ee maanta soo foodsaartay kooxdan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay