kMkaamulka jaaliyada Sweden ayaa socdaal shaqa kutagay magaalada Hallstahammer, halkaasna kulan kulaqaatay  xubnaha jaaliyada Hallstahammer iyo gudiga jaaliyadaasi, socdaalkan oo ah kormeer shaqo iyo abaabul ayaa uqabsoomay sidii loogu talagalay, socdaalkan ayaa kamid ahaa qorsha shaqeedka maamulka jaaliyada waxaana kahor intii uusan bilaaban kulanka jaaliyadu, shir hordhaca oo mudo saacada ah socday galay Gudiga fulinta ee jaaliyda Sweden halkaasna iskula meel dhigay qorshayawga qabyada ahaa iyo sidii loo wajihi laha,

Kulankan oo ah mid siwanaagsan loo soo agaasimay  waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada Hallstahammar Mudane sheekh Abdi wali, isagoo kawrbixiyay ,  waxyaabihii uqabsoomay kajaaliyad ahaan islamkaana uga mahadceliyay booqashada Gudiga iyo hawlaha abaabul ee,ay ku imaadeen Magaalada Hallstahammar, waxa uuna shirka kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha jaaliyada Sweden Mudane  Abdi bashiir oo xubnaha lawadaagay warbixino dhawra  iyo marxalada halganku marayo taasi oo, inta badan xubnuhu aad dhagta ugu raaricinayeen. sidookalana kacodasay in ay siilaba jibaaraan hawlaha halganka ee ay kawadaan Magalada Hallstahammar

k1iskusoo wada duubo kulanka ayaa ahaa mid siwanaagsan uqabsoomay waxaana sidii loogu talagalay ufulay dhamaanba qorshayaasha shaqo ee, uu dajiyay maamulka jaaliyada ee  wadanka Sweden

ONA/Stockholm

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay