CWXO ee Qeybta Duufaan oo Weerar la beegsaday Saldhiga Ciidanka Gumeysiga Degmada Awaare.

Wararka nagasoo gaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa faahfaahin dheeri ah kasoo saaray daggaalkii Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadeniya  kuqaadeen fadhiisinka ay Ciidanka cadawgu kulahaayeen gudaha Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar.
Weerarkan oo ahaa mid habeenimo ah ayaa dhacay 25/5/15. Wuxuuna ahaa weerar ay qaybta duufaan ee CWXO sifiican usoo qorshaysay waxayna mudo kooban kuburburiyeen kulana wareegeen goobtii uu bartilmaameedku ahaa.
Ciidanka JWXO daggaalkan waxay ku qabsadeen hub iyo saanad milatari oo farabadan.

Sidoo kale ciidanii gumaysiga ee halkaas kusugnaa ayaa lagaadhsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

Waxaa kale oo halkaas  Ciidanka Xooga Dalka Ogadeniya ku gubeen 2 baabuur oo gurmad ahaan ugu socday ciidanka gumaysiga ee laweeraray waxaana isla basbeelay 2dii gaadhi iyo wixii saaraa oo dhan.

Ciidamada JWXO oo daggaal Joogto ah ku haya gumeysiga Ethiopia ayaa waxaa sii xoogeystay  daggaalada Weearka ah ee ay ku qaadaan Saldhigyada gumeysiga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay