Jaaliyada Somalida Ogadenya ee kudhaqan xerada qaxootiga ee Kakuma ee kutaala Waqooyiga dalka Kenya  ayaa shir siwanaagsan loosoo agaasimay iskugu timid. Shirkaas ayaa sidii layaqaanay waxaa lagufuray aayado Quraan  ah iyo wacdi diini ah oo aad uqiima badnaa oo dadkii madasha shirka iskugu yimid loogu sheegay Waajibnimada  jihaadka kasocda gudaha Ogadenya  wuxuuna sheekhii wacdigan diiniga ah soojeediyay  kula dardaarmay  taakulaynta halganka iyo  in waxqabadka looga baahanyahay dhamaan  umada soomaliyeed gaar ahaan shacabka Somalida Ogadenya .

Intaas kadib waxaa lagu soodhaweeyey gudoomiyaha faraca ILAYS ee  xerada Kakuma oo si waafiya ugawar bixiyey xaalada gudaha Ogadeniya iyo warbixin kusaabsan xaalada jaaliyaadka somalida Ogadenya ee kahawlgala Bariga Africa,  Iyo gabi ahaanba wakhtiga lamarayo iyo halgankan barakaysan ee JWXO hormuudka katahay. Waxaa iyana khudbado aad umuhiim u ahaa kasoojeediyey madasha shirka dhamaanba hogamadii gudiga oo kusoo gabagabeeyey in naf iyo maalba loohuro  soodhicin ciida dhaahirka ah ee gumaysigu Itoobiya dulmiga kujoogo.

Shirkan ayaa kusoo dhamaaday guul iyo jawi dagan oo farxad leh.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay