Wararka aan kahelayno xarunta dhexe ee JWXO ayaa faahfaahin dheeraad ah kabixinaya dagaaladii kasocday xuduuda Ogadenia iyo Somalia. Xarunta dhexe oo ukuurgashay xaqiiqada dhabta ah ee kusaabsan khasaarihii Hawaarinta kasoo gaadhay dagaaladii ay kula jireen maleeshiya beeleedka ayaa lasoo xaqiijiyay bakhtiga 81 askari oo isugu jira saraakiil iyo ciidan iyo dhaawac gaadhaya 150 Hawaarin ah oo yaala isbitaalada Qabridahare, Jigjiga, Harar iyo Adis ababa.

Waxayna xaruntu intaa raacisay inuu meesha kadhacay dagaal aysan kooxda Jigjiga aysan filaynin ooy kuhoobteen iyagoo xasuuq ba’ana ka gaystay deegaanadii uu dagaalku kasocday. Dhanka kale xarunta dhexe ee JWXO ayaa soo heshay qaar kamid ah magacyada Hawaarintii ku lee’atay dagaalka xaduuda waxaana ugu dambeeyay 6 horjooge oo ciidanka Hawaarinta kamid ah laguna sheegay in ay deegaan ahaan dhamaantood kasoo jeedeen Gobolka Shabeelle ee wadanka ogadenia. Waxayna kala yihiin magacyada saraakiishan dagaalka lagu laayay:-

1-Shaalaqe xaashi nabadiid
2-Shaalaqe lowhaar aadan ow dool
3-Shaalaqe xasan ashkir
4-Qoxooti sh cabdi daanye
5-Shaalaqe Aabe oo magaciisa oo buuxa aanan haynin
6-Shaambal cabdulaahi keenadiid.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay