Tan iyo intay doorasho kusheegtii Itoobiya kadhacday bishii hore waxaa maalinba maalinta kadambaysa isasootaraya kacdoonka noocyada kala duwan iskugu jira ooy si,aan gabaad lahayd ay oogu siidhiirayaan qawmiyadaha kala duwan ee kuhoos jira Gumaysiga ay hormuudka kayihiin kooxda TPLF. Sidaan horaan idiinku soo gudbinay waxaa si xawli ah usoo badanaya kacdoonka hubaysan ee lagaga soohorjeedo taliska maanta Itoobiya kataliya ood moodo inuu wakhtigiisu gabaabsi yahay.

ginbot1

Waxaa saxaafada caalamka hadheeyay maamlmihii lasoo dhaafay dagaalada iyo tababaro culus ooy wadaan kooxaha muraadka ku ah Itoobiya gaar ahaan kuwooda hubaysan ee dagaallada aan kala joogsiga lahayn kuhaya ciidamada huubada ah ee wayaanuhu soo dhoob dhoobay. Jabhada Ginbot-7 ayaa kamid ah Jabhadaha hubaysan ee sida xawliga ah u dardar galiyay weerada ay kuhayaan fadhiisimada ciimada daalan ee wayaanuhu hormuudka ah uyahay. Gimbot-7 ayaa sidoo kale tababaro iyo abaabul balaadhan oo lagu wacyigalinayo shucuubta ay TPLF gumaysato kawada meelo kala duwan oo wadanka kamid ah.

ginbot2

Ma,aha oo kaliya ineey Gimbot-7 kaligood dagaal hubaysan oo maalinle ah kuhayaan ciidanka Itoobiya, Waxaa cashiro lama ilaawaan ah udhigay Wayaanaha Ciidanka Wadanida Xoraynta Ogadenya (CWXO) oo runtii maanta lagu tilmaami karo inuu yahay hormuudkii Gobanimadoonka Gesska Africa.

Itoobiya ayaa maanta maraysa marxalad aan wax usoo istaaga uusan jirin borobagaandihii iyo beentii wayaanuhu wadanka kusoo haystay 25 sanee lasoo dhaafay. Maanta waxay Itoobiya maraysaa in qawmiyad kasta ay is abaabushu iskana caabiso dulmiga aan kala joogsiga lahayn ee shucuubta Itoobiya ay wayaanuhu kuhayaan.

ginbot4

ginbot3

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay