Wakaalada Wararka Ogadeniya ee ONA waxaa kusoo dhacay warbixintii Daggaaladi ka qarxay Coodanka oo kamida Degmada Dhuxun ee Gobolka Nogob. Dagaalkan waxuu dhacay Taariikhdu markay ahayd 31/05/2015.

Daggaalkan oo la isu ciidamo wacday waxa uu ahaa daggaal aad u kulul oo maalin kasocday Coodanka waxaana daggaalkan wareegi u horeeyayba markii fooda la isgaliyay lagu jabiyay Ciidanka Gumeysiga Ethiopia oo dib ugurasho loo diiday. Ciidamada Gumeysiga Ethiopia waxaa daggaalkan wareegi hore lagaga dilay 10 Askari waxaa kale oo ay ka carareen laba dhaawac ah.

Firxadkii Ciidamada Gumeysiga Ethiopia waxaa ka horyimid ciidamo Gurmad ahaa oo kamida kuwa Woyaanaha.

Ciidamada Xaqudirirka JWXO oo kudaba jira firxadkii Ciidamadii soo jabay ayaa mar labaad haleelay Woyaanihii oo argagax badan haysto Waxaana cagta lamariyay Ciidamadii gumeysiga oo halkaas dib uga noqday.

Dagaalkan Rogaal celiska ah waxaa lagaga dilay ciidamada gumeysiga Ethioopia 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

Daggaalkan lagu jabiyay ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa laga dareemay Gobolka Nogob Waxaana soo foodsaartay cabsi badan Ciidamadii Woyaanaha Ethiopia oo awoodi waayay inay soo baxaan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay