Dhageysi uu soo qabanqaabiyay Ururka Freedom House ee Fadhiggiisu yahay Magaalada Washington DC , USA, ayaa looga hadlayaa Siyaasad Xumada iyo Rajjo la’aanta dalka Ethiopia. Kulankan ayaa si gaar ah loogu qiimeyn doona Doorasho ku sheegtii dalka Ethiopia ka dhacday oo warbixin hordhac ah lagu sheegay in dhamaanba Kuraastii dalkaas ay ku guuleysteen Xisbiga EPRD/TPLF, arrintan oo aheyd mid la filayay in lagu shubto maadama wax doorasho ahi aysan dhicin. Goobaha aadka looga hadli doono Waxaa kamida Dhulka Somalida Ogadeniya oo ah deegaanka 3aad ee dad iyo dhul ahaanba ugu badan guud ahaan dhulka ay Abbysininaku xooga ku heystaan oo wax doorasho ahi ka dhicin, cid tartamaysana aysan jirin balse dad horey loo soo xushay lagu magacaabay inay doorasho u taaganyihiin kuwaas oo cid la tartamaysa aysan jirin. Arrintan oo noqotay ruwaayad aan cidina daawaneyn.

Goobta iyo Goorta uu Dhacayo Dhageysigan

Kulankan dhageysiga ahi waxa uu dhici doona 16 June 2015 Saacadu markay tahay 2:00 illaa 3:00 PM waxa uu ka dhici doona Aqalka

Freedom House, 1850 M Street NW, Suite 110o, Washington DC 20036

Waxaa loogu baaqayaa Jaaliyada Ogadeniya ee Nawaaxiggaas inay ka qeyb galaan iskana Diwaan galiyaan liistada hoose intaad Gujisaan (Guji Halkan isna duwaan Gali)

Dhageysigan Waxaa ka hadli doona Madaxsare, Siyaasiyiin iyo Khubaro Aqoonyahana oo cilmibadan u leh burburka kusoo foodleh dalka Ethiopia. Waxaana kamida Khubarada halkaas ka hadli doona

Marti Sharafta ka Hadlaysa Dhageysigan:
Terrence Lyons
Associate Professor of Conflict Resolution
George Mason University

Vukasin Petrovic Director for Africa
Freedom House

Steven Feldstein
Deputy Assistant Secretary
Bureau of Democracy, Human Rights and Labor

Xidhiidhiyaasha Dhageysigan:
Robert Herman
Vice President
Freedom House

 

Freedom-House-logo-633x300

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay