Hoggaanka Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo amray in Gobolka Doollo Adhigii meel ku xareysanba 1 Neef laga qaado.

Dhibaatooyinkan oo isugu jira dhac iyo xabis ayaa kadambaysay kadib markuu hogaanka ciidamada gumaysigu amar kubixiyay in adhigii meel kuxeraysanba laga qaato 1 neef oo adhi ah oo aad uwayn taasoo keentay in ay ciidanka wayaanuhu si bahalnimo ah uboobaan
hantida umada iyagoon  ukala aaba-yeelaynin waa adhiyar iyo waa adhibad sidoo kalana aan ee gaynin xoolaha agoonta iyo maxasta iyo kuwa dadka caadiga ah.

ogaden-nomads

Ogaden Nomads

Ciidanka gumaysiga ayaa is ogaansho la’aan ah hantida uboobaya waxayna neef kaqaadayaan adhigii shalay laga qaaday waayo ma bixinayaan wax aqoonsi ah ama cadayn ah oo lagu ogaado in adhigan wax laga qaaday iyo in kale wuxuuna boobku kasocdaa dhulka miyiga ah iyo magaalooyinka uu kakoobanyahay Gobolka Doollo.
Sikastaba ha ahaatee dhibaatadan waxay kamid tahay dhibaatooyinkii joogtada ahaa ee lagu hayay guud ahaan shacabka aan waxba galabsanin ee ree ogadenia waana mid kamid ah dhaqamada xun xun ee ay ciidamada gumaysigu caanka ku yihiin.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay