ciidanka jwxoWararka nagasoo gaadhaya xarunta dhexe ee JWXO ayaa kawarbixinaya 2 dagaal oo ciidanka wayaanaha cashiro lama ilaawaan ah loogu dhigay dagaaladan oo isugu jiray mir iyo maalin weerar ayaa ciidanka niyada jabsan ee gumaysiga lagu shaabuugay waxayna udhaceen sidan.

Weeararkii Fiqihaarun ka dhacay
6/6/15 Fiqihaaruun oo Dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar katirsan weerar xoogbadan oo ay CWXO kuqaadeen ciidamada Gumaysiga oo halkaas fadhiisin kulaha. Waxayna ku gaadhsiiyeen khasaare aad ubadan oo aan faahfaahintiisa wali lasoo tabinin.

Daggaalkii Dhabajiriso
9/6/15 Dhabajiriso oo Dagmada Birqod katirsan dagaal fool-ka-fool ah oo CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 8 askari 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Daggaaladan ayaa jab weyni kasoo gaadhay ciidamada Woynaha iyo kuwo malishiyaadka ah ee daba socda.

Daggaalada foolka foolka ah iyo kuwa mirta ah ee Ciidanka JWXO ku qaadayaan ciidamada gumeysiga ayaa sii saddex jibaarmay mudadii labadii bilood ee u danbeeyay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay