“Nacabow gumaysiga
Nabarrada qarsooniyo
Igu reebay naafada
Nabad lama wadaagee”

Weedha naftii hure marka la maqlo waxaa laga yaabaa in dad badani ay ka irdhoobaan oo u qaataan inay tahay odhaah aan si dhab ah uga turjumaynin macnaha ay xanbraasan tahay. Shakigan waxaa gundhig u ah iyadoo dadka intooda badani aanay rumaysnayn in qof miyirkiisa qabaa uu naftiisa hurayo oo holac uu ogyahay inuu ku dhimanayo horay u sii galayo. Xataa iyadoo dadku ay arkaan ama maqlaan dad is-qarxinaya, haddana weedha naftii hure si fiican ugama daadagto.

Waliba baryahan denbe waxaa soo badanaya dadka dhalanteedka ku nool ee qiirada waddaninnimo iyo dulmi-diidka ku tilmaama doqonimo laga soo gudbay iyo “old fashion” aan casrigan xidhiidh la lahayn. Dadka noocaas ahi waxay u badan yihiin dadka fakarka gumaysiga loo xanbaariyay.

Waxaan ognahay in naftu ay tahay waxa qofka bani’aadamka ah agtiisa ugu qaalisan, suuragalna aanay ahayn inuu sahal ku lumiyo. Waxaan hubaa haddii bani’aadamka awood loo siin lahaa inay fasaxaan xilliga nafta laga qaadayo, ay dunidu buux dhaafi lahayd oo dadku meel uu ku kala noolaado waayi lahaa, sababtoo ah qof waliba wuxuu door bidi lahaa inuu sii joogo, sidaas darteed xikmad wayn ayaa ku jirta in la inoogu awood-sheegto xilliga nafta la inaga oofsanayo ee Eebihii ammaanada inoo siiyay uu mar kale la noqonayo.

Hase yeeshee saw yaab ma aha nafta sidaas u qaalisan inay dadka qaarkii u huraan wax ay aaminsan yihiin inuu ka muhiimsan yahay. Hadal murtiyeed Soomaaliyeed baa ahaa “Mar bay Geeridu Nolosha dhaantaa” Sida uu hadal-murtiyeedku tilmaamayo, waxaa jira xaalado aanuu qofka xayiga ahi u dul-qaadan karin, oo ka door-bido inuu ka dagaallamo, xataa hadduu ogyahay in dagaalkaas lagaga adkaanayo.

Marka ay geerigu nolosha dhaanto waa marka uu Abwaanka Soomaaliyeed tilmaamayee uu yidhi; “Nin milgadiisiyo mooradiisii loo dhacay, mawdkiyo geerida kama maadanaayee”. Qofka marka naftiisa, nafta dadka uu masuulka ka yahay, sharaftiisa ama xoolihiisa lagu xadgudbo waxaa la gudboon inuu dagaallamo oo iska difaaco cadowga ku xadgudbay. Waana waajib diini ah oo dusha laga saaray qof kasta oo qaangaadh ah, oo maankiisuna fayow yahay. Qofka waajibkaas gudan waayana waa qof aakhirana gabood-fal u yaallo, adduuna ceeb iyo magac xumo u taallo.

Inuu qofku naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa difaaco waa waajib shakhsi ah oo qofka gaar ahaantiisa loo saaray, hase yeeshee waxaa jira waajib kaas ka sii wayn oo muslimiinta oo dhan wadar ahaan loo saaray, lagana sugayo inay gutaan. Waajibkaasi waa waajibka Jihaadka loo yaqaano, oo muslimiinta oo dhan lagu xanbaaray inay gutaan. Waajibkani labo qaybood ayuu u qaybsamaa. Waajib caam ah (fardul caam), oo haddii qayb muslimiinta ka mid ahi ay gutaan, inta kale ka dhacaya, iyo waajib shakhsi ah (fardul kifaaya) oo qofka ay gaar ahaantiisa qasab ugu tahay inuu guto.

Haddii dalkaaga uu ku soo duulo ama qabsadaba cadow (diimo kale aaminsan) waxaa waajib kugu ah inaad dagaalka ka qayb gasho oo naftaada iyo maalkaagaba aad u hurto sidii cadowgaas dalka looga dhicin lahaa ee dowlad xalaal ah oo diinta iyo cadaalada ku dhaqanta looga taagi lahaa.

Qofka marka la yaabban naftii huranimada xaqa ahi waa qof la yaabban xugunka Eebe oo diiddan xeerka uu addoomihiisa u dajiyay. Waa qof diiddan Aayadaha Eebe Quraankiisa ku sheegay ee macnahoodu yahay “Ha odhonina dadka jidka Ilaahay loo dilay way dhinteen, laakiin way nool yihiin, Ilaahay agtiisa ayaana lagu quudiyaa”.

Qofka aaminsan inuu xaq ku taagan yahay oo gudanayo waajib Eebe saaray, marna kama farga-naxo caqabadaha ka hor-yimaada inta uu gudashada waajibkaas ku jiro. Waliba dagaalka xaqa ahi wuu ka sii xag-jiraa waajibyada kale, sababtoo ah qofku wuxuu naftiisa u hibaynayaa gaadhista himilada uu dagaalkaas ka leeyahay. Mar haddii uu naftiisa hibeeyana wuxuu dulqaad iyo samir u yeelanayaa dhibaato kasta iyo caqabad kasta oo la soo gudboonaata inta uu dagaalkaas ku jiro.

Naftii huruha JWXO wuu ka adkaysin badan yahay dadka intiisa kale, wuuna ka samir badan yahay, wuxuuna maanka ku hayaa inuu laba wanaag mid uun hali. “Dhimasho loogu danbi dhaafo ama guul lagu naalloodo”.
Naftii huruhu wuxuu rumaysan yahay inuu ku taagan yahay waddadii xaqa ahayd, isla markaana uu guusha gaadhi doono, mar ay noqotaba. Wuxuuna hadh iyo habayn heegan u yahay inuu cadowgiisa wiiqo, oo cudud u sheegto calooshood u-shaqaystayaasha Itoobiya ku soo daabushay dalka Ogaadeenya.

Naftii huraha JWXO, isagoo kaashanaya shacabkiisa, wuxuu ku guulaystay inuu cadowgiisa u babac-dhigo, waxaana arrintaas caddayn u ah iyadoo xukuumadda gumaysatada Itoobiya ay si cad ugu fashilantay dhammaanba qorshayaashii ay ka lahayd dalka Ogaadeenya. Waxaan ognahay in xukuumadda gumaysigu ay dalka Ogaadeenya keentay in ka badan seddex Gaas oo ciidammadeeda rasmiga ah ka mid ah, iyo tiro kale oo intaas aan ka yarayn oo ah Malleeshiyo calooshood u shaqaystayaal ah oo laga soo kala ururiyay Itoobiya, Ogaadeenya iyo Soomaaliya. Ciidammada rasmiga ah iyo Malleeshiyadaba waxaa Ogaadeenya loo keenay inay soo afjaraan halganka ay ummada Ogaadeenya ugu jirto hanashada xorriyadeeda.

Hase yeeshee nasiib wanaag awooddaas oo dhami waxay noqotay mid fulin wayda himiladii cadowga ee ahayd in la wiiqo halganka xaqa ah ee Ogaadeenya ka socda. Waxay noqotay mid ka gaabisay qorshayaashii uu gumaysigu maanka ku hayay ee ahaa inuu dadwaynaha Ogaadeenya ee keena-diidka ah awood ku muquuniyo, si uu ugu gacan bannaanaado boobista khayraadka dabiiciga ah ee dhulkiisa Eebe ku mannaystay.

Naftii huraha JWXO wuxuu sidoo kale gumaysatada Itoobiya kaga adkaatay dagaalkii dhinaca diblumaasiyada ahaa, wuxuuna bulshada caalamka daaha uga qaaday denbiyada bani’aadamnimada ka baxsan ee Itoobiya ka galayso dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, iyo inay denbiyadaas ku qarinayso magacyo kale oo hadda xilligoodii dhammaaday, xaqiiqadoodiina la wada-ogaaday.

Wuxuu naftii huraha JWXO (Ilaahay idankii) awood u yeeshay inuu suxufiyiin caalami ah geeyo dalka Ogaadeenya, kuwaasoo bannaanka soo dhigay qaar ka mid ah xaqiiqooyinkii ay Itoobiya daboolka saaraysay. Wuxuu warbixino joogto ah oo ka warramaya xaaladda bani’aadamnimo iyo midda siyaasadeedba u gudbiyaa hay’adaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Ogaadeenya. Wuxuu sidoo kale kulanno is-dabajoog ah la yeeshaa wakiillo ka tirsan dalalka waawayn iyo ururrada caalamiga ah, oo uu kala xaajoodo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda cakiran ee Ogaadeenya.

Arrimahaas oo dhan iyo kuwo kalaba waxay cidhiidhi galiyeen hawlihii diblumaasiyadeed ee xukuumadda gumaysigu ka wadday caalamka, kuwaasoo ku salaysnaa been iyo dacaayad aan waxba ka jirin oo laga dhaadhicin jiray beesha caalamka, oo marna loo tusi jiray inaan dagaalbna ka soconin Ogaadeenya, markii uu dagaalku xoogaystayna loo tusi jiray inay Itoobiya la dagaallamayso kooxo xagjir ah oo xidhiidh la leh ururrada xagjira ee caalamiga ah.

Waxay arrinta Ogaadeenya gaadhay in markii ugu horraysay lagu soo qaato maxfallo caalami ah, sida Golayaasha muhiimka ah ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Sanadka Maraykanka. Waxay gaadhay in Ururrada Xuquuqul Insaanku ay si joogto ah ula socodaan arrimaha Ogaadeenya oo warbixino tifatiran uga diyaariyan. Saxaafadda caalamiga ah ayaa tartan aan caadi ahayn ugu jirto inay wax ka ogaato arrimaha Ogaadeenya, waxaanad arkaysaa in suxufiyiin caalami ahi ay naftooda u biimaynayaan si ay u galaan dalka Ogaadeenya oo wax uga soo qoraan.

Guuldarrooyinkaas dhinac walba ah marka ay gumaysigii ku habsadeen, wuxuu sidii lagu yaqaanay gumaystayaasha oo dhan billaabay inuu dadwaynaha rayadka ah ku cargaagtamo. Toddobadii sano ee ugu denbeeyay wuxuu gumaysigu dalka Ogaadeenya ka waday xasuuq ba’an oo sahayday kumannaan ka mid ah shacabka aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya. Wuxuu sidoo kale xabsiyadiisa naxariis darrada ah ka buuxiyay tiro intaas aad uga sii badan, kuwaasoo loo gaysto jidhdil iyo arrimo kale oo bani’aadamnimada ka dhan ah. Gumaysigu wuxuu gubay tuulooyin iyo aqallo soomaali aan tiro lagu soo koobi karin.

Wuxuu boobay hantidii dadwaynaha oo ku quudiyaa ciidammadiisa iyo malleeshiyooyinka calooshood u shaqaystayaasha ah ee u adeega. Wuxuu gumaysigu dalka Ogaadeenya ku hayaa cunaqabatayn aan caadi ahayn, iyadoo hay’adaha caalamiga ahi ay isaga wada-markhaati kaceen in cunaqabatayntaasi ay dadwaynaha rayadka ah u gaysatay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin.

Waxay sidoo kale dunidu hadda gar-waaqsatay cabashooyinkii inta badan loo soo gudbinayay ee ahaa in xukuumadda gumaysig Itoobiya ay kaalmooyinka bani’aadamnimo u isticmaasho hub ay kula dagaallanto xoogagga ka soo horjeeda iyo shacabkooda.

Qorshayaasha naf la-caarinimada ah ee gumaysigu dhawaanahan billaabay waxaa ka mid ah dacaayadaha uu beesha caalamka ku khaldayo ee ah inuu heshiis la galay ururradii la dagaallamayay. Wuxuu dalka dibaddiisa ka soo ururiyay ashkhaas markii horaba si qarsoodi ah ula shaqayn jiray, kuwaasoo qaarna cumaamado gud-guduudan loo soo xidhay, qaarna calankii JWXO loo soo jeeni-qaariyay. Ashkhaastan khiyaamadii qaran ee markii hore ay qarsanayeen la soo bannaanbaxay, waxaa loo ballanqaaday in la siinayo lacago iyo dhulal laga soo boobay dadwaynihii xaqa u lahaa.
Shaqooyinka loo wakiishay dadkan damiir laawayaasha ah waxaa ka mid ah inay dib ugu noqdaan dalalkii markii hore laga soo ururiyay oo ay dadwaynaha Ogaadeenya ka dhaadhiciyaan in dalkii nabadi ka dhalatay, barwaaqo iyo horumarna ka dillaacay, loona baahan yahay in la is-abaabulo oo la sameeyo Jaaliyado Itoobiyaan ah, halganka JWXO ku jirtana la fashiliyo.

Dadka looma wada-sheego in dalkii lagu noqdo, sababtoo ah meel lagu celiyo looma hayo, waxaase tigidho loo soo diraa dad gaar ah oo la ogyahay in garaadkoodu aanuu ku fillayn, dhinaca dacaayadana ay ku fiican yihiin, kuwaasoo hudheellada Addis iyo Jigjiga toddobaadyo lagu soo hayo, ka dibna la soo diro.

Waxaase guul lagu naalloodo ah in gumaysigu uu haddana si cad ugu guuldarraystay qorshayaashii cumaamadaha beenta ah lagu waldaafinayay ee la rabay in qurba-joogta Ogaadeenya lagu kala qaybiyo. Waxaa lagu guulaystay in bulshada laga dhaadhiciyo in dadka qorshayaashan wada ay yihiin kuwo qandaraas ka soo qaatay gumaysiga, waxbana aanay ka duwanayn kuwa hubka wata ee hadh iyo habayn gumaadaya dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, sidaas darteed wuxuu naftii huraha JWXO mar kale fashiliyay qorshihii gumaysiga ee dabaqoodhiga ah doolka ah loo soo dhiibay.

Gumaysigu markii uu ku fashilmay dagaalkii, diblumaasiyadii, xasuuqii shacabka iyo dacaayadii intaba wuxuu hadda billaabay inuu dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalalka deriska ah, ka ugaadhsado hawl-wadeenka JWXO iyo dadka uu is-leeyahay arrimaha Ogaadeenya ayay u ol-oleeyaan.

Wuxuu beryihii u denbeeyay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya ku laayay dad Ogaadeenya u dhashay. Waxaa ugu denbeeyay Alla ha u naxariistee C/risaaq Tiibaa iyo Cbadi C/llaahi, oo xeryaha qoxootiga iyo Nairobi lagu kala dilay. Dilalka fulaynimada ah ee xukuumadda gumaysatada Itoobiya u gaysanayso hawl-wadeenka JWXO, waxay ka turjumayaan tabar darrada Itoobiya iyo inay ku sugan tahay xaalad ah “Neef gawracani Geedo kama waabto”. Ma xeerinayso waxa kaga iman kara dalalka ay nabad galyadooda wax u dhimayso, iyo cawaaqib xumada kaga iman karta marka gacanta lagu dhigo sirdoonka ay soo dirsatay ee dilalkan fulinaya, sida haddaba dhacday.

In kastoo denbiyada uu gumaysigu ka galayo dadwaynaha Ogaadeenya iyo hawl-wadeenka JWXO ay yihiin kuwo laga xanuunsanayo oo jidhku ka gubanayo, haddana waxay JWXO iyo dadwaynaheeduba aaminsan yihiin in denbiyadaasi ay yihiin kuwo la filayay oo lagu talagalay markii la qaatay go’aanka ah in dalka laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya.
Waxay aaminsan yihiin inaanay jirin waddo sahlan oo xorriyada loo maro. Xorriyadu waxay ku timaadaa dhiig daata iyo dhib loo badheedho, waxayna u baahan tahay dulqaad iyo adkaysi loo yeesho dhibaatooyinka ku meermeersan.

Hase yeeshee in kastoo ay sidaas tahay, haddana ma oggolaan doonaan in dhiiggoodu hadur noqdo, waxayna hubaan inay oohintu ku denbayn doonto gumaysiga iyo inta u adeegaysa.

Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay