Wararka naga soo gaadahay Jaamacada Mattu ee ku taala magaalda Mattu ee gobolka Oromia ayaa waxaa ka dhacay jaamacadaas mudaharaad wayn oo lagaga soo hor jeedo Taliska Woyanaha ee Itoobiya.
Mudaharaadkan ayaa waxay aradaydu ka gadoodeen qaabkii loogu shubatay codkoodii oo ay intooda badan doorteen ururada mucaraadka ah balse loo sheegay in u ururka EPRDF ku gulaystay.
Warku waxa uu intaas ku daray in ay ardaydu markii ay mudaharaadka bilaabeenba loo dalbaday ciidamada Woyanaha halkaas oo rasaas ooda looga qaaday. isla markaana aan la ogayan khasaaraha halkaaas ka dhashay inta uu la egayahay,waxaana  la xidhay in ka badan 100 arday.
Waxaa dhamaanba istaagay Wax barashadii ka socotay jaamacadaas oo albaabada loo ooday cabsi ay Woyaanuhu ka qabto in ay rabshadahaas ay gaadhaan ama ay ku fidaan jaamacadaha kale ee Itoobiya.
Ciidamada amniga ee Itoobiya ayaa baryahan ka waday xidhay baahsan dhamaan gobolada Itoobiya gaar ahaan gobolka Ormoiya, halkaas oo dad kor u dhaafaya 600 shacaba ah lagu xidhay.
Sida horey loo xaqiijiyay sirdoonka & ciidamada Itoobiya waxay dileen 6 musharax oo u sharaxnaa ururada  mucaraadka , walina waxaa socda dilalkii , xadhigii & handadaadii la xidhiidhay doorasho ku sheegtii ay Itoobiya qabatay 24 May.
MUTU MUTU2 MUTU3
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay