San Diego: Waxaa maalintii axadda ee August 28, 2011 munaasab afuraad ah oo lagu xusayo sanadguuradii 27aad JWXO isugu yimid Jaaliyad weynta Somalida-Ogadenia ee ku nool magaalada San Diego, California ee Cariga Maraykanka.

Xafladan ayaa waxaa lagu marti qaaday dhamaan waaxyaha bulshada sida Ururka dhalinta, ururka haweenka, odayaasha, culimo owdiin iyo dhamaan taageerayaasha halganka xaqa ah ee ummadda Ogadenia.

Waxaa furitaankii shirka sidey caadadu ahayd lagu furey aayadaha Quraanka kariim iyo muxaadaro uu soo jeediyey Sheekh Hussein oo ah Sheekh kamid ah culumada aadka looga qadariyo Waqooyiga Ameerika (North America) gaar ahaan Gobolka California. Sheek Xuseen ayaa aad ugu baraarujiyay dad weynihii ineysan marna unuglaanin cadowga. Waxaa kaloo isna khudbad taa le’eg iyo qadar duca ah halkaa kasoo jeediyey Sheekh Abdullahi Daahir. Dhamaan culimo owdiintii madasha ka hadashay ayaa dhamaantood u xaqiijiyay kuna baraarujiyay jaaliyadu inay naftooda iyo maalkooda uhuraan halganka xaqa ah ee ka socda Ogadenia.

waxaa isna shirkan marti ku ahaa isla markaana khudbado dhaxal gal ah kasoo jeediyay Xidhiidhiyaha Jaaliyaadka WEST COAST ee Maraykanka mudane Ahmed Ali Yusuf oo isagu warbixino iyo xog waran siiyay jaaliyadda una qeexay mar xaladda uu halkan ku sugan yahay.


Gabagabadii iyo gunaanadkii xaflada ayaa waxaa soo jeediyay Godoomiyaha Jaaliyadda Mudane Abdirahman Mahamud Sh Abdi “Holywood” oo kahadlay qaybo badan oo kamid ah taariikhda Ogadenia iyo wax qabadka halganku uleeyahay shacabka Ogadenia, Mudane Abdirhmaan oo ah dhalinta wax bartay ee halgankana waqti badan galiyay ayaa kahadley rajo xumada Dawlada Kaligii Taliye Zanawi iyo inta lashaqaysa. Waxa uu intaa raaciyey dhibaatada ay ku hayaan Shacabka re Ogadenia iyo sida ay ONLF awood ugu yeelatey inay difaacdo shacabkeeda. Wuxuuna ku baraarujiyay dhalinta inay wax bartaan sidii ay ugu noqon lahaayeen codka dadkooda dhibataysan.


Iskusoo duuduuboo munaasabadan ayaa ku dhamaatey jawi qurxoon, guul iyo farxad.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. guuleeysata oo guumeesiga ladirira oo gunimadiida

    gacansiiya geesiyada hal gami goor iyo ayaane.

    gafuurka jabiya waxaa inagu badan gaalo dabajoogee

    guyaheena weey buuxsameen gaal is qariyaayee.

    wajigiisa waad garan waa gamaareeyda naaxdoo hadana geesiyada leeyne.

    gaal gaal dhaloo idil ifuu soo galayee

    goowraca oo dila ninkii kheeyrka garan waaya

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay