bill-gatesMaalqabeenka caanka ah ee Bill Gate oo ah ninka aduunka ugu taajirsan isla mar ahaantaasna iska leh shirkada Microsoft ayaa wax laga weydiiyay arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Dalka Ethiopia.

Bill Gate oo marti sharaf ku ahaa Guriga Baarlamaanka Dalka UK halkaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal kamida Xildhibaanada Dalka UK ayaa waxaa su’aal laga weydiiyay Xuquuqul Insaanka Ethiopia.

Hadaba maxuu ku jawaabay Mudane Bill Gate oo ah isagu nin baryahan danbe aad uga shaqeyn jiray sidii loola daggaalami lahaa loona dabar goyn lahaa cudurka naafada ee Polio.

Bill Gate waxaa su’aashan weydiiyay Cllr Mushtraq Lasharie oo ah masuulka Ururka dunida saddexaad ee  baarlamaanka UK, masuulkan oo sidoo kale u ololeeya qadiyada Somalida Ogadeniya iyo shacabka ku hoos dulman gumeysiga Ethiopia, islamarkaasna ururkiisu guriga Baarlamaanka UK kuqabteen shirar looga hadlayo Qadiyada Ogaden iyo Xuquuqul Insaanka Ethiopia.

Hadaba Bill Gate ayaa su’aashan jawaab kasiiyay Mudanihii su’aasha weydiiyay waxuuna ku jawaabay

Ethiopia waxay ka fiicantahay Wadanka North Korea iyo Eritrea .

Jawaabta Bill Gate ayaa ah mid aan la qariibsanin, maadama oo xasuuq ba’an iyo cadadaadis badan taliska Woyanaha Ethiopia ku hayaan shacabka Ogaden iyo shucuubta Ethiopia.

Wadanka Eritrea ayaa ah wadan wadamada ree galbeedku aad u necebyihiin balse wadankaas shacabkiisu waa mid isku tiirsan oo ka shaqeeya horumarinta dalkooda iyaga oo kaalmada Ree galbeedka iska diiday, midaas ayaana sababtay in Ree galbeedku ka horyimaadan dowlada Eritrea.

Sidoo kale wadamada Ree galbeedku waxay cadaawad ba’an isu qabaan wadanka North Korea oo lagu sheegay in cadaadis badan ka jiro.

Wadamadaas ay cadaawada isu hayaan wadamada Ree galbeedka ayuu barbar dhigay dalka Ethiopia, midaas oo muujinaysa sida wadamada ree galbeedka iyo Ethiopia u kala foggaadeen.

ONAbill-gates

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay