Wararka naga soogaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaa xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo aad ufara badan ooy CWXO kucibaadaysteen waxayna dagaaladaas udhaceen sidan soosocota.
14/6/15 Yucub oo dagmada wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan weerar ay CWXO kuqaadeen ciidamada wayaanaha oo halkaas fadhiisin kulahaa waxaa dhagta dhiiga loodiray 13 askari oo kuwa cadawga ah 16 kalana waa lagaga dhaawacay sidoo kale waxay ciidanka JWXO gacanta ugalay hub iyo saanad military oo farabadan.
14/6/15 Balisareedo oo dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar katirsan dagaal xoogan oo kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.
17/6/15 Farmadow oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa gumaysiga itoobiya ku
dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 7 askari 10 kalana waa lagaga dhaawacay sidoo kale waxaa lagaga furtay hub iyo saanad
farabadan.
19/6/15 Sancayilay oo Dagmada Birqod katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
19/6/15 Kuusduulamada oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 7
kalana waa lagaga dhaawacay.
22/6/15 Farmadow oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa
lahaynin.
22/6/15 Gudaha dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob weerar uu Cutub katirsan CWXO oo sigaar ah utababaran kuqaadeen waxay kuburburiyeen fadhiisin ay ciidamada wayaanuhu kulahaayeen halkaas waxayna kugaadhsiiyeen khasaare balaadhan oo aan dib kasoo faahfaahindoono hadii alle idmo sidoo kale waxaa CWXO gacanta ugalay hub iyo saanad kala duwan oo kuwa ay ciidamadu isticmaalaan ah.

__._,_.___
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay