Waxaa wakaalada ONA soo gaadhay Marxuumkii Allaah ha u naxariiste ciidamada Gumeysiga Ethiopia ku toogteen magaalada Dhagaxbuur. Marxuumkan waxaa lagu magacaabi jiray Siyaad Deeq.

Ninkan oo ahaa nin shacaba waxay ciidamada gumeysigu ka dhaceen $1000 (Kun lacagta dollarka ah) lacagtaas oo aheyd midka Ethiopianka 19,000 Birr.

Dadka danyarta ah ee somalida Ogadeniya ayaa hadii lagu arko wax lacag ah, Ciidamadu intay ka qaataan ayay qofkaasina horey ka dilaan. Shacabka Somalida Ogadeniya oo xoolo dhaqato ayaa Bisha barakaysan xoolahooda iib u geeya si caruurtooda iyo qoyskooda ramadaanta raashin lagu afuro ugu gataan.

dilkan ayaa dhacay todobaadkii hore taariikhdu markay aheyd 16 June 2015

Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo dilkan geystay ayaan sheegin sababta ay ninka shacabka ah u dileen. Midaas oo caado u ah ciidamada gumeysiga inay qofkay doonaan dillaan waxna aan laga weydiin.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay