Ciidamada Xaqu Dirirka Jabhada Wadaniga xoreynta Ogadeniya ayaa ku galay daggaalo inta u dhaxeysa Deegaanada Qalaafe iyo Magaalada Godey.

Daggaaladan ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhaceen saddex goobood oo kamida deegaanadaas kamidka ah Shabeelle.

Dad shacab ah oo kasoo hadlay magaalada Qalaafe ayaa sheegay warar aan wali la xaqiijin kuwaas oo sheegaya in ciidamada Ethiopianku ay halkaasi khasaare aad u badan kasoo gaadhay. Waxaana dhaawacoodi lagu daabulay magaaloyinka Qalaafe iyo Godey.

Xarunta JWXO oo daggaalkan faah faahin kabixin ayaa xaqiijisay in daggaaladan ay jiraan oo ay dhaceen 2 maalmood ka hor taariikhdu markay aheyd 25 June 2015. Masuuliyiin kamida Ciidanka JWXO ayaa Wakaalada ONA u sheegay in daggaaladan ay ka dhaceen 3 goobood oo kamida deegamada Shabeele halkaas oo daggaaladan ay socdeen mudo saacado ah. Waxayna sheegeen masuuliyiintan in ciidamada gumeysigu halkaas aad ugu jabeen.

Xarunta Dhexe ee JWXO oo ah goobta Wararka daggaaladu ku soo dhacaan ayaa lagu wadaa inay wararkaas faah faahintiisa kusoo daraan Wararka Daggaalada Dhacdooyinka ee todobaadkiiba mar soo gudbiyaan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay