Maggaalada Addis Ababa oo ay ka dhaceen mudaharaadyo gilgilay magaalada Shalayto ayaa waxaa qabtay muslimiinta magaalada Addis Ababa waxaana lagu qabtay Masaajidka weyn ee Anwar. Muslimiinta ayaa ka mudaharaadaya sidii loo sii deyn lahaa Culumaa U diinkii iyo masuuliyiintii Muslimiinta laga xidhay, kuwaas oo la filayo in maxkamad aan sharci ahayn in lagu xukumo.

Muslimiinta Ethiopia ayaa waayadanba waday kacdoon kadib markii Taliska Woyanaha Ethiopia uu madhabta Al-Xabash oo aan aheyn Diin Islaam markii uu ku soo rogay dalka Ethiopia una dhiibay Majlis Aclaha Dalka Ethiopia. Midkaas oo sababay in Masaajidii ay xoog damceen inay ku qaataan. Muslimiinta Magaalada Addis Ababa ayaa arintan aad uga hor yimid Banaanbaxyo waaweyna ku qabtay Addis Ababa.

Hoos ka daawo Sawiro kamida Banaanbaxii Shalay ka dhacay Masjid al-Anwar.
muslim addis 2

muslim addis

muslim

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay