Maanta waa maalin qaali ku ah Dhalinyarada Soomaalida Ogaadeenya ee Daafaha Caalamka ku sugan waa sanadguuradii 5aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii Ururweynaha Midowga Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogaadeenya OYSU oo 27-June-2010 lagu mideeyay Magaalada Copenhegen ee Dalka Denmark.
Sanadwalba waxaa la xusaa Sanadguurada OYSU 27ka Bisha June oo ku beegay maalintii la mideeyay Ururadii Dhalinyarada Ogaadeenya ee Caalamka laguna Mideeyay OYSU.
OYSU DK 2
Hadaba Iyadoo maanta ay tahay 27ka June waxaan Hambalyo qaali ah oo aad u saraysa u dirayaa Guud ahaan Shacabka Gobanimo doonka ah ee Soomaalida Ogaadeenya Gaar ahaan Ururka Midowga Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogaadeenya OYSU meel kasta oo ay Caalamka ka Joogaan waxaana Leeyahay Hambalyo Sanadguurada 5aad ee OYSU waa Guusha Shacabka Ogaadeenya, Illaahay waxaan ka Rajaynayaa in Sanadkan sanadkiisa kale uu inagu gaadhsiiyo Xoriyadda Ogaadeenya sanadguurada 6aad ee Ururkana lagu qabto Gudaha Ogaadeenya Inshaa Allaah.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay