Ogaden By graham PeeblesGraham Peeble ayaa sameeyay website cusub oo uu kusoo bandhigo qoraaladii iyo ololihii uu kasameeyay Qadiyada Somalida Ogaden. Masuulkan oo Haayad Samafal madax ka ah waxa uu horey uga soo shaqeeyay dalka Ethiopia halkaas oo uu soo arkay shacabka Ethiopia dhibaatooyinka heysta. Waxa uuna bilaabay sidii uu wax badan uga oggaan lahaa guud ahaanba dalka Ethiopia, islamar ahaantaasna waxa uu sameeyay daraasado badan iyo wareysiyo uu la yeelanayo dadyowga Ethiopia.

Sanadihii u danbeeyay waxa uu xooga saaray Qadiyada Somalida Ogaden, isaga oo qoraalo badan ka diyariayay marar badana booqday xeryaha Qaxootiga Dhadhaan halkaas oo uu ku wareysay Qaxooti kasoo jeeda dhulka somalida Ogaden.

Qoraaladii faraha badnaa ee Graham ka sameeyay Qaxootiga Somalida Ogaden iyo Qadiyada Ogaden waxaa uu u sameeyay Bog Cusub oo aad ka aqrisan kartaan.

 

Sawirka kore Guji si aad u booqato Bogga cusub  .OGADEN By Graham Peebles

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay