Magaalada Addis aba ee caasimada Gumaysiga Itoobiya ayay Jimcihii ka dhaceen banaanbaxyo waaweyn oo gilgilay magaalada waxna u dhimay ganacsigii iyto isu socodkii xaafadaha caasimada Addis Ababa.

Banaanbaxan oo qaybtiisa u weyni ka dhacday masaajidka weyn ee ANWAR oo ku yaala badhtamaha magaalada ayay iskugu yimaadeen kumanaan shacab ah oo kasoo horjeeda taliska Itoobiya iyo qaabkii ku shubashada ahaa ee ay u maareeyeen doorashadii kal hore dhacday.

Xukuumada gumaysiga ayaa usbuucii hore shaacisay waxay ku tilmaantay inuu xisbiga EPRDF si aqlabiyad ah ugu guulaystay kuraasaha baarlamaanka Itoobiya taas oo banaanbaxayaashu ay ku micneeyeen isbadal la,aan iyo rajo la,aan usoo hoyatay qowmiyadaha Itoobiya.Banaanbaxayaasha oo aad u cadhaysnaa ayaa ku hanjabayay inaysay Itoobiya isa sii haysan doonin mar haduu dulmigii iyo kalitalisnimadii soo laabatay.

Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa tan markii ay maamulka dalka la wareegtay 1991 kii gaysatay xasuuqyo ka baxsan baniadanimada waxayna beesha caalamka iyo hay,adaha xuquuqda u dooda kasoo saareen warbixino badan oo si dhab ah u taabanayay dhibaatooyinka lagu hayo shucuubta Itoobiya guud ahaan gaar ahaana Ogadenya.

 

 

ito1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ito1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay