Waxaa magaalada Pretoria ee xarunta dalka Koonfur Afrika isla markaana jaaliyda u ah xarunta dhexe ku qabsoomay shirkii bilaha ahaa ee jaalayadu qaban jirtay shirkan ayaa ahaa mid talo iyo fikir iswaydaarsi kusalaysnaa isla markaana lagaga baaraan dagayay hawlaha ay jaaliyadu qabato.

Shirkan ayaa hambalyo iyo bogaadin looga diray shan sano guurada ururka OYSU World Wide waxaana lagu bogaadiyay wax qabadkoodii fiicnaa.

Dhanka kale waxaa shirka lagu qiimeyay hawlihii ugu danbeyay sida mudaharaadkii iyo hawlaha sida gaarka ah ay jaaliyadu u fuliso bisha lixaad sanad walba oo ah hawlo ka duwan kuwa laqabto bilaha kale waxaana laga soosaaray qiimayn leh yididiilo iyo kuhirasho wanaagsan.

Jaaliyada JOKA oo caan ku ah Abaabulka iyo falgalka hawlaha siyaasada ayaa isu diyaarinaysa in ay si hagar la,aan ah ugudato waajibaadkeeda halgan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay