Waxaa kormeer shaqo kusoo gabagabeeyay Gudoomiya Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO), Naftiihure Axmad Ciilmooge Faarax. Wuxuu Gudoomiyuhu kormeer shaqo oo dhawr bari qaatay kusoo kala bixiyay dhamaan Gobolada wadanka Ogadenya uu ka koobanyahay. Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd Abaabul iyo Wacyigalinta Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee jiida hore ee furimaha dagaalka kujira.

Dhanka kale wuxuu Gudoomiyuhu kulamo gaar gaar ah laqaatay qaybaha kala duwan ee shacabka Somalida Ogadenya ee gudaha kusugan sida oday-dhaqameedyada, dhalinyarada, hooyooyinka iyo qaybaha kalee bulshada si uu oogu kuurgalo xaaladaha kala duwan ee shacabku ku suganyahay. Waxaa kaloo uu qiimayn balaadhan kusameeyay Gudoomiyuhu dhibaatooyinka baahsan ee Gumaysiga Itoobiya uu bulshada rayadka ah kuhayo.

Booqashada Gudoomiyaha Xarunta Dhexe ayaa sidiiran loogu soodhaweeyay deegaamadii uu kormeerkan kusoo kala bixiyay. Waxaa la isku balansaday Gudoomiyaha iyo shacabkii uu lakulmay in Halganka Somalida Ogadenya laxoojiyo, hiil iyo hoona lala garab istaago xoogaga Ciidanka JWXO ee jiida hore ee dagaalka kusugan.

Kormeerkan ayaa kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan oo is afgarad iyo isfaham balaadhan kusoo idlaaday.

ONA/Ogadenya

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay