Waxaa maalinimadii shalay ahayd ooy taariikhdu kubeegnayd 28/6/2015, lagu soo gabagabeeyay kulan-hawleed ay wada qaateen Xubnaha Golaha Dhexe iyo Taliska Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) ee gudaha wadanka kahawlgala.

Kulan oo kamid ahaa kulamadii caadiga ahaa ee Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee gudaha kahawlgala ay iskugu imaan jireen ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa Gudomiyaha Xarunta Dhexe ee JWXO, Naftiihure Axmad Ciilmooge Faarax. Kulankan ayaa si mugwayn leh waxaa loogu gorfeeyay diiradana lagu saaray qorsheyaal badan oo kuhaboon marxaladan aan maanta kujiro iyo sidii loola jaan qaadi lahaa isbadallada joogtada ah ee kusoo kordhaya guud ahaan Gobolka Geeska Africa gaar ahaan wadanka Ogadenya.

Waxay wufuudii kulankan kasoo qaybgashay ku kala qaateen warbixino ay soo diyaariyeen Taliska Qaybaha CWXO oo kusaabsan xaalada Cadawga, iyo xaalada uu shacabka Somalida Ogadenya ee gudaha kusugan yahay. Warbixinadaas kabacdi waxay masuuliintii kulan kasoo qaybgashay kadoodeen qodobadii horyiilay taasoo lagu dajiyay qorshe hawleedyo cusub oo lagu dardar galinayo halganka iyadoo lagu sargooynayo mabaadiid’a JWXO. Waxaa kamid ahaa qodobadii oogu muhiimsanaa ee laysku afgartay:-

  • Kor uqaadista qaybaha kala duwan ee dagaalka gudaha Ogadenya kasocda.
  • Sidii gacan adag oo bir ah loogu qaban lahaa kooxaha gumaysi kalkaalka ah ee caadaystay dhibaataynta shacabka Somalida Ogadenya.
  • Dabargooynta guud ahaan afkaaraha gumaysi ee bulshada lagu bahdilayo
  • Tayaynta Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeniya.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday is afgarad buuxa oo kusaabsan dhamaan ajendeyaashii loogu talogalay hirgalintooda iyo sidii loofulin lahaa qorsheyaashii la isla meel dhigay.

Midnimo, Mintid, Isku-tashi Allahu Akbar.

Xarunta Dhexe ee JWXO

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay