Kullan shalay ka dhacay Magaalada Edmonton ee Gobalka Alberta, Dalka Canada ayaa waxaa iskugu  yimid Guddiga Jaaliyadda Ogaden. Kullankan ayaa qoddobo Muhiim ah looga hadlay waxaana Gudoominayay Kullanka Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Axmed Cali oo ku Magac dheer (Qabxun).

Qoddobada Kullankan ayaa ahaa soo Dhaweeynta Masuuliyiinta Ururka ONLF ee laga soo daawayy Dalka Itoobiya oo muddo ku xidhanaayeen, Dhanka Kalle Kullankan ayaa looga hadlay Qabanshada Barnaamijka Gurmadka ee Halganka.

Gudoomiyaha Jaaliyadda ayaa sidoo kalle Kullankan ku soo bandhigay Hannaanka qabsoomida Sannadguurada Ururka ONLF oo ku beegan 15 Agoosto Iyo sidii loo qaban lahaa isagoo carab dhabay in Masuuliyiin Ururka ah soo booqon doonaan Magaalada Edmonton si ooga qayb galaan Sannad-Guurada.

Ugu danbayn Guddiga Jaaliyadda waxay Canbaareeyee Xasuuq aan kala joogsi lahayn ee Shacabka Ogadeeniya ku hayaan Ciidamada Dowlada Itoobiya waxayna sidoo kalle Canbaareeyeen Doorashadii ugu danbaysay Itoobiya oo ay ku tilmaamaan wax laga xishoodo isla markaasna sheegeen in Itoobiya u xuub siibatay Nidaamka kaligii Talisnimo ee ah ” One Party System” Hal Xisbi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay