Wariyaha ONA ee Gobolka Jarar ayaa soo gaadhsiiyay ONA magacyadii dadkii lagu xidhay Ceel xaar taariikhdu markay aheyd  15/6/15.

Shacabkan lagu xidhay Ceelxaar oo kamida Gobolka Jarar waxay tiradoodu dhaneyd 30 qof, Waxaana loo geystay jidh dil iyo ciqaabo aad u daran. Iyada oo shaqsigiiba lagu xukumay innuu bixiyo lacag dhan $1,500 lacagta Doolarka mareykanka ah oo u dhiganta 30,000 Birta Ethiopianka ah.

Shacabkaas oo aan heysan lacagta intaas le’eg ayaa waxaa loo taxaabay xabsiyada ku yaala Ethiopia. Waxaana kamid ahaa dadkan shacabka ah ee la xidhay oo magacyadoodu nasoo gaadheen:

Magacyadii
1 Cabdi faarax maxamuud dheeg
2 Faadumo axmad xuseen
3 Haybe cumar oo dad iyo duunyo wuxuu hayayba laga xidhay
4 Carab maxamad nuur oo 90 jir ah
5 Dayib ismaaciil owlaad

Ciidamada Woyanaha Ethiopia oo mushahaar la’aan ah ayaa soo rogay in shacabka xabsiyada loo txaabo iskuna furtaan lacag.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay