Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa xadhig wadareed ka getstay Waafdhuug iyo Yucub oo kamid ah deegamada Gobolka Doollo. Asasahan Ciidanka gumeysiga Ethiopia gobolka Doollo ka geysteen waxa uu dhacay taariikhdu markay aheyd 20 June 2015. Waqtigaas oo olole kan lamida uu gumeysigu kawadan Gobolo badan oo kamida dhulka Ogadeniya.

Tacadiyada loo geysanayo Shacabka Deegamada doolo dadkii wax ku yeeloobay waxaa kamida Haweenay  jidh dil iyo xadhig la isugu daray. Gabadhan oo lagu magacaabo Aamina Shugri waxaa laga qabtay Yucub iyada oo xabsiga loo dhaa dhiciyay.

Shacabka kale ee wax soo gaadheen waxaa magacyo naga soo gaadheen dad laga qabtay Waafdhuug oo isugu jira rag iyo haween kuwaas oo iyana jidh dil iyo xabsi la isugu daray. Magacyada nasoo gaadhey waxaa kamida

1 Nimco carab cabdi daahir
2 Carab cali mahad
3 Kifaax oo magaceeda uu buuxda aanaan haynin.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay