Xarunta dhexe ee JWXO ayaa soo saartay warbixintii Koorsada Tababarka Ciidanka JWXO ee Duufan oo socday intii u dhaxeysay  10 – 29 June 2015.

Warbixintan ayay Xarunta dhexe ee JWXO ku sheegtay in koorsadan ay ka faa ideysteen ciidan badan oo kamida Qeybta Duufaan waxayna  Koorsadan  socotay mudo 20 bari ah.
Koorsadan oo ay bixinayeen macalimiin takhasus u leh ayaa lagu baranayay qaybaha kaladuwan ee tababarada ciidamada sida barashada hubka qaybihiisa kala duwan, abaabulka bulshada iyo lafaltanka cadawga waxaana koorsadan wax badan kabartay ciidanbadan oo umahad celiyay macalimiintii koorsadan wakhtigooda iyo aqoontoodaba galiyay.

Koorsadan ciidan ee usoo gabagabowday qaybta Duufaan ma aha tii ugu horaysay ee ay ka faa’iidaystaan CWXO waxayna kusoo dhamaatay natiijo wanaagsan.

Bayankan Xarunta dhexe ee JWXO soo gaadhsiiyay Wakaalada ONA ayaa lagu sheegay inay jiraan tababaro kale oo kasocda Ogadeniya kuwaas oo u socda qeybaha Ciidanka JWXO.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay