Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addiss Ababa ayaa sheegay in xubnaha iyo taageero yaasha axsaabta mucaaradka ah ay dhibaatooyin kala duwan oo xadhig, caga-juglayn iyo xataa dilmo ay kala kulmaan ciidanka nabad-sugida ee kooxda woyaanaha.

Tan iyo intii ay doorasho kusheegtii dhawaan kadhacday Itoobiya waxaa soobadanaya kacdoonka kadhanka ah maamulka ay Woyaanuhu majaraha uhayaan. Arintan ayaa keentay in dhamaan hawl-wadeenadii iyo murashaxiintii axsaabta mucaaradka ah la uwaadhsado.

Xafiiska Hay’da Amnest International ee Bariga Africa ayaa bayaan ay kucambaaraynayso uwaadhsiga lagu hayo siyaasiyiinta iyo taageeroyaasha axsaabta mucaaradka ah kasoo saartay. Bayaanka ha’da ayaa lagaga codsaday Itoobiya ineey sida oogu dhakkhsaha badan usiidayso afar xubnood oo kamid ah xisbiga mucaaradka ah ee layidhaahdo Samawi Party (Blue Party). Xubnahan oo qaar kamid ah aan hellay magacyadooda ayaa waxaa kamid ah Woyneshet Molla, Ermias Tsegaye iyo Daniel Tesfaye.

Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa dhaqan u ah dhaqamadan foosha xun eey kuhayaan shucuubta kuhoos dulman taliska Woyaanaha. Wadanka Ogadenya ayaa dhacdooyinkan ay caadi kayihiin in maalin walba sidhibyar bulshada rayadka ah ee Ogadenya kudhaqan lagu dhibaateeyo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay