Xukuumada EPRDF ayaa dadaal xoogan u gashay 10 kii sano ee u dambaysay siday siyaasadeeda guracan uga raaridi lahayd qurba joogta itoobiyaan ka ah siiba kuwa ku nool wadamada ree galbeedka si ay siyaasadeedu uga sii dhex shaqayso dowladaha ugu tunka weyn caalamka.

Aqoonya1hano fara daban oo Itobiyan ah iyo rag siyaasada horay uga dhex muuqan jiray ugana cararay dalka Itoobiya kalistanimada ka jirta ayay xukuumada EPRDF isku dayday inay dib ugu kasbato siyaabo kala duwan oo hanti badan oo lasiiyo iyo hanjabaadaba iskugu jira balse aysan waxba uga hirgalin.
Tan iyo intii uu khalkhalka rasmiga ah ku bilowday xukuumada EPRDF sanadkii 2005 tii waxay xooga saareen qurba joogta iyagoo isticmaalaya dhaqaalihii ugu faraha badnaa iyo borobagando aan waxba ka jirin taas oo markii dambe ay fahmeen qurba joogtii dibna ugu soo noqdeen deegaanadoodii qurbaha iyagoo soo ogaaday beenta iyo kalitalisnimada Itoobiya,halka qaarkoodna la xidhay oo aan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Magaalada Addis ababa ayaa si aad ah loga dareemaa taageero yarida haysa xukuumada EPRDF,waxaadna arkaysaa meelaha fagaarayaasha ah ee waaweyn oo cidlo ah ama dad tiro yari joogaan xiliyada shirarka iyo xafladaha ay xukuumadu soo abaabusho si ay caalamka u tusto in weli taageero loo hayo.

Qurbajoog badan oo dib ugu soo laabtay wadamada ay markii hore ka dhoofeen ayaan ka warbixiyey inaysan meesha waxa la sheegayo iyo wax u dhow toona oolin,ugana digay dadka kale inay sidoodii oo kale ugu kadsoomin beenta Itoobiya.3

 

Bil kahor ayay ahayd markay dabaqoodhiyiintii beenta loo sheegay ee kusoo laabtay wadanka Maraykan ka siiba gobolka Minnesota iyaga dhexdoodii iskugu gacan qaadeen halkaas iyagoo isku eedaynaya inuu midba midka kale been iyo waxaan jirin usheegay.

 

HALKAN KA DAAWO

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay