Warar hor dhac oo hada nagasoo gaadhay magaalada Qabridaharre ee gobolka Qoraxay ayaa  sheegaya in xabsiga weyn ee magaaladaas uu dumay xili la tukanayay salaadii casar ee maanta.

Xabsiga oo ahaa mid duug ah waligiina dib uhabayn lagu samaynin ayaa soo dumay xili salaadii casar ee maanta laga tukanayay magaalada Qabridahar,waxaana ku naf waayey alle ha unaxariistee hal maxbuus oo kamid ahaa shacabka bilaa dambiga ah ee jeelasha uga buuxa gumaysiga iyo wakiiladooda waxaana lagu magac-aabaa marxuumkaas FAYSAL CALI WALAAQ.

Sidoo kale waxay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen 6 maxbuus oo sadex kamid ahi xaaladooda aad looga dayrinayo,waxaana hellay magaca mid kamid ah maxaabiistaa dhaawacantay oo la yidhaahdo HIRE CABDULLAAHI CISMAAN,waxaana dhaawacyadaas kala qaatay dadkii eheladooda ahaa oo guryahooda gaystay maadaama uusan jirin Isbitaal lageeyo oo xaaladooda caafimaad wax ka qabta.

Sida uu ONA ugu waramay goobjooge codsaday inana magaciisa la sheegin dadka shacabka ah ayaa isku dayay inay badbaadiyaan maxaabiista oo ay u gurmadaan balse waxaa rasaas kala horyimid ciidamada gumaysiga iyo kuwa u adeega,maxaabiista ayaa xiligaas qaarkoodna hurdeen qaarna tukanayeen saladii Casar.

QABRIDAHARRE/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay