Wararka naga soo gaadhaya Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo khasaare laxaad leh keenay uu kadhacay Gobolka Tigrey. Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmaray xoogaga mucaaradka hubaysan ee Arbanyooj-ginbot 7 oo dhinac ah iyo Ciidanka Gaaska 4aad, Ciidamada Khaaska ah ee layidhaahdo (Liyuu Hayl) iyo Booliska Federaalka ah oo iskaashanaya.

Sida uu sheegay Sargaal Sare oo lagu magacaabo Zamane Kasse oo kamid ah xoogaga mucaaradka hubaysan ee Arbanyooj-ginbot 7 ayaa waraysi uu siiyay mid kamid ah Idaacadaha Mucaarad usheegay in dagaalkan oo socday mudo 4-saac ah lagaga dilay inta lahubo ciidanka Itoobiya 50 askari iyo 60 dhaawac ah, waxaa kaloo uu sheegay sargaalkan lawaraystay maadaama oo dagaalku uu cuslaa laysuna adeegsaday qaybaha kala duwan ee hubka ooy kujiraan hubka culculus in tirada dhimashada ciidanka Itoobiya ay intaas kabadan karto.

Sida uu sheegay Zamane Kasse wuxuu dagaalkan udhexeeya ciidanka Itoobiya iyo xoogaga Arbanyooj-ginbot 7 kadhacay tuulooyinka kala ah Qaytamasil, Arjoma iyo Maysdhan oo dhamaantood katirsan Gobolka Tigrey. Dagaallada udhexeeya Mucaaradka iyo Ciidanka Itoobiya ee Waqooyiga kasocda ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay si talantaalis ah ooga socday dhulkaas. Wararku waxay intaas kudarayaan in ciidanka Itoobiya khasaare laxaad leh uu kasoo gaadhay dagaaladaas kasocda Gobolka Tigrey.

Dhanka kale waxaa isla Gobolka Tigrey kahawlgala oo waliba aad usii xoogaysanaya Jabhada Hubaysan ee Tigrey ga taasoo looyaqaano Tigrey People’s Democratic Movement (TPDM). Jabhadan ayaa kala gaabisay ciidamada wayaanaha ee kusugan waqooyiga Itoobiya.

Ciidankii Itoobiya ee iscajabiyay ayaa maanta wuxuu marayaa heer xeryihiisa aysan weerarku ka kala joogsanaynin. Xeryaha Ciidanka Gumaysigu uu kuleeyahay Ogadenya ayaa noqday goobaha dagaalada oogu badan ay kudhexmaraan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya iyo kuwa daalan ee Gumaysiga Itoobiya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay