Wararka nagasoo gaadhaya wadanka Ogadeniya gaar ahaan Xarunta-Dhexe ee Jabhada Wadanida Xoraynta Ogadenya (JWXO)  ayaa kawarbixinaya in Ciidamada Maxaysata Gumaysiga Itoobiya ee kusugan Ogadenya ay dhibaatooyin kala duwan kula keceen dad aan waxba galabsanin oo shacab ah. Waxaa markay taariihdu ahayd 28/6/2015  lagu xidhay Ceel-xaar oo degmada Dhagaxbuur ee xarunta  Gobolka Jarar dad badan oon waxay galabsadeen ama dambi ah ooy galeen aysan jirin. Waxaan hellay qaar kamid ah shacabkii sida xaqdarada ah loogu xidh xidhay Ceel-Xaar. Waxayna kala yihiin sidan:-

1- Maxamad cali nuur.

2-Kaliil macalin maxamad oo kumagac dheer (waariye)

3- Bashiir maxamuud

4- C/lahi daahir

5- Maxamad yuusuf  wali

6- Af yare ow maxamad

7- Yuusuf cali geedi

8- Faadumo aw maxamad

9- Xasan cade iyo xaaskiisii oonaan magaceeda haynin

10-Ilmo yuusuf madoobe oo 4  kakooban  oo naan haynin
magacyadooda

11- Shugri cabdi bashiir

12- Ubax axmad warmooge

13- Maxamuud sheekh daahir

14- Axmad cabdi quule

Dhanka kale waxaa markay taariikhdu ahayd 25/6/2015 degmada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar lagu xidhay horjoogayaal katirsan kooxda khaatumo seega ah ee looyaqaano Hawaarinta (Liyuu Boolis). Tirada kooxdan shacabka dhibaatada aan kala joogsiga lahayn kuhaysa ee laxidhay ayaa naloogu sheegay ineey dhanyihiin 7-xubnood  ooysan wali noo suuragalin inaan hello magacyadooda iyo darajo kusheegta ay wataan.

Ciidanka Wayaanaha iyo dhidid-dhawrkooda damiirka lahayn yaa kuhaya dhibaatooyin baahsan oo kadhan ah banii’aadminimada bulshada rayadka ah ee Somalida Ogadenya. Dhibaatooyinkan ayaa isugu jira dil, xadhig, kufsi, handadaad, boob hantiyeed iyo waliba baro-cin joogta ah.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay