Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cabdi Hoggaanka Abbaabulka Bulshada iyo Adeega dadweynaha ayaa la kulmay Jaaliyada London taariikhdu markay ahayd 6 July 2015.

axmed yasinHoggaanka Abaabulka iyo Adeega Dadweynuhu waxa uu kasoo qeyb galay kulankii Jaaliyada ee caadiga ahaa waxa uuna la wadaagay Buug cusub oo loogu tala galay xubnaha JWXO inay aqristaan kana bartaan maamulka toolmoon.

Gudomiyaha HABAD ayaa siminaar kooban siiyay Jaaliyada London oo uu darsi ku siinayo ku aadan u jeedada Boogan Cusub loo sameeyay iyo fa’idada larabo in laga gaadho.

Xubnaha Jaaliyada London ayaa sidoo kale talo bixin kasameeyay sida ugu haboon ee looga faa ideysan karo Buugan iyada oo lagu balamay in Daraasado dheeri ah si wada jir ah loo wada qaato xubnahana looga faa ideeyo.

Kulankan oo ahaa kulankii Xubnaha Jaaliyada ayaa waxaa kale oo kasoo qeyb galay xubno kamida Golaha dhexe ee JWXO masuuliyiin kamida Ururka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay