Waxaa na soo gaadhay qayb ka mid ah gabayadii lagu dhagaystay xafladii ka dhacday magaalada Al-Xasa ee boqortooyada dalka Sacuudiga halkaasoo habeen hore sidii hordhacii qoraalkii hore aad ku aragteen lagu dhigay xaflad balaadhan oon horey abid uga dhicin dalalka Khaliijka Carabta oo lagu xusayay sannad guuradiii 27aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya. Waxaa xafladda soo qaban qaabiyaya jaaliyadda Al-Xassa iyo ururka dhalinyaradauna OYSU faraca Sacuudiga oo ku soo bandhigey riwaayad aad u qiiro galisay dhamaan dawadayaashii ka soo qayb galay xafladaas.

Waa markii koobaad ee tariikhda wadamada khaliijka uu ka dhacay kulan noocan oo kale ah, taaso mudan in tariikhda lagu xuso, wuxuuna ahaa kulan aad u xiisa galiyay dhamaan bulshawayntii Soomaaliyeed een u kala hadhin ka soo qaybgalka riwaayadda iyo barnaamijyadii kalee ka socday xafladda.

Waxaaa kale oo halkaas lagu soo bandhigay dhaantooyin, heeso wadani ah, gabayo iyo buraanbur aad kor ugu qaaday shucuurta dadkii ka soo qayb galay munaasabada.

Run ahaan xafladan wuxay ahaayd mid taariikhi ah oo in badana laga sheekayn doono. Wuxuu ahaa shir cadowga iyo daba dhilifka naxdin iyo qalbi jab ku reebi doona, shacabka Somalida Ogadeeniya iyo inta xoriyada jecelna farxad iyo guul u ahayd.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Wiil JWXO says:

    ciiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiid wanaagsan jaaliyadda soomaalida reer Ogaadeenya ee dalka Sacuudiga, maa shaa allaah. waa tallaabo qaali ah.
    guulaystee sii giijiya.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay