Sidaad wararkaanagii hore kala socoteen waxaa Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan Gobolka Tigrey kasocday dagaal culus oo laysu adeegsaday dhamaan noocyada kala duwan ee hubka. Dagaalkan oo u dhexeeya Xoogaga Mucaaradka Hubaysan ee layidhaahdo Arbanyooj-Ginbot 7 iyo Ciidanka Itoobiya ayaa maalintii 4aad wali kasocda tuulooyin kamid ah Gobolka Tigrey. Dagaalkan ayaa kadhacay tuulooyinka kala ah Qaytamasil, Arjoma iyo Maysdhan oo dhamaantood katirsan Gobolka Tigrey.

Wararka nasoo gaadhaya ayaa tibaaxaya in dagaalkan uu gaystay khasaare laxaad leh oo labada dhinac ee dagaalamay soo kala gaadhay waloow aanan haynin faah faahinta khasaarahaas. Sidaan kuhelay wararkii hore waxaa loo itaal sheegtay ciidanka Itoobiya oo dhimasho iyo dhaawac badan uu kasoo gaadhay balse dagaalka oo dhul balaadhan kufiday iyo wakhtiga dheer ee dagaalkani uu qaatay awgood yaan laga haynin faah faahin dheeraad ah oo dagaalkan kusaabsan.

Wixii kasoo kordha dagaalkan kasocda Waqooyiga Itoobiya waxaad kaheli doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay