Warar dhiilo leh oo nagasoo gaadhaya Dagmada Danood ee Gobolka Doollo ayaa sheegaya in dil fool xun oo aad uxanuun badan ay kula keceen ciidamada gumaadka iyo dhibaataynta shacabka Somalida Ogadenia lootababaray ee gumaysiga Itoobiya. Sida ay wararku sheegayaan dilkan foosha xun ayaa loogaystay laba wiil oo walaalo ah wuxuuna u dhacay si fool xun waxyna ciidanka wayaanuhu wiilashan ku dileen marjin waxayna kudabeen silig.

Wiilasha dilka loogaystay ayaa lagu kala magacaabi jiray Allaha unaxariistee Cabdi Maxamad Maxamuud Afbalaadh ( C/yare ) oo darawal ahaa iyo walaalkii oo isaguna lagu magcaabi jiray Farxaan Maxamad Maxamuud Afbalaadh.

Ma’aha markii koobaad ee dad shacab ah oon waxba galabsanin sidan fooshan xun oo kale loodilo. Ciidanka Wayaanaha ee bahaloobay ayaa sijoogta ah tacadiyo banii’aadamnimada kadhan ah kawada wadanka Ogadenya.  Dhacdadan foosha xun ee lagu martijay labadan muwaadin ee walaalaha ah ayaan marnaba la’iloobi doonin oo kamid noqonaysa dhacdooyinka xanuunka  badan oo shacabka Somalida Ogadenya loogaysto hadh iyo habeenba.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay