Warar hor dhac ah oo ONA kasoo gaadhay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in kacdoon boolis oo aad u xoog badan uu kajiro waqooyiga magaalada GONDAR ee gobolka AXMARADA.Kacdoonkan oo ka bilowday xerada booliska ee degmada DABAT  ayaa yimid kadib markii booliska halkaas madax looga soo dhigay sargaal TIGREE ah oo ka tirsan xisbiga TPLF,taas oo ay si adag uga horyimaadeen saraakiishii,ciidankii iyo shacabkii gobolka Axmaarada.

Shir lagu qabtay xerada booliska ee degmada DABAT ayaa si adag loogu wada hadlay waxaana loo sheegay sargaalka Tigreega ah in aan la aqbali karin qorshaha lagu soo badalay.

Wararku waxay intaas ku dareen shan sargaal oo kamid ahaa saraakiishii sida adag uga hor yimid qorshahaas ayaa la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen,waxaana loo malaynayaa inay ku biireen mucaaradka hubaysan ee Axmaarada,halka dadka qaarna ay aaminsan yihiin in shantaa sargaal la uus xabaalay,waxaa sidoo kale arintan loo xidhay dad shacab ah oo kacdoonkaas iyo banaanbaxyo kala hor yimid qorshahaas.

Laba sargaal oo kamid ahaa shantaas sargaal ee la la,yahay ayaa waxaa la kala dhahaa:KASA MAMU iyo SADU ATNAFE,kacdoonkan oo dhacay usbuucan aan kujirno ayay dowlada dhexe cabsi weyn ka qabtaa inuu sii balaadho saraakiil iyo ciidan badana ku biiraan xoogaga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumada EPRDF.

Xoogaga hubaysan ee kasoo horjeeda xukuumada EPRDF ayaa gobolo kala duwan ka bilaabay dagaalo culculus intii ka dambaysay doorashadii uu xisbiga EPRDF ku shubtay.

ONA/Gondor

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay